3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 22, 2014
Madaxda Dowlada oo ku hanjabay inay cagta marinayaan Al-shabaab


Arbaco, Janaayo 22, 2014 (HOL) — Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud iyo ra'iisul wasaarihiisa C/weli Sheekh Axmed Maxmed ayaa sheegay in dowladdooda ay ka go’an tahay inay Al-shabaab oo ka talisa deegaanno fara badan ay cagta marin doonaan kana saari doonaan dhammaan deegaanada ay ka taliso.

Warbixinta ayay ku sheegya inay dowladdodu ka go’an tahay inay howlo badan qabato inta lagu jiro sannadkan cusub 2014, kuwaasoo ay qayb ka yihiin sidii loo adkeyn lahaa amniga guud ee dalka.

“Hadda waxaa na horyaalla howlo badan oo ay qayb ka tahay inaan dalka oo dhan gacanta dowlada kusoo celino. Howshaas waxaa ka mid ah sidii aan uga qalusi lahayn Al-shabaab; dalka oo dhanna uga saari lahayn,” ayuu yiri madaxweynaha Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa sheegay in goobaha ay ka taliso Al-shabaab ay sida ugu dhaqso badan ugu soo celin doonaan gacanta dowlada; ayna gaarsiin doonaan adeegyada kala duwan ee dadweynuhu u baahan yihiin sida caafimaadka, waxbarashada iyo kuwo kale oo aasaasiga ah.

Sidoo kale, ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, C/weli Sheekh Axmed Maxamed ayaa isaguna sheegay inay hortaallo howl badan oo ay ka mid tahay sidii ammaanka dalka dib ugu soo celin lahaayeen, ayna uga adkaan lahaayeen Al-shabaab.

“Xukuumaddu waxay matashaa shacabka Soomaaliyeed oo dhan, uman dul-qaadanayno in dhibaato loo geysto shacabkeenn, waxaana ka shaqeyn doonaa sidii dalka uu horay ugu sii socon lahaa,” ayuu yiri C/weli Sheekh.

Ra’iisul wasaaruhu wuxuu sheegay in dowladdu ay loolan adag kula jirto Al-shabaab oo uu sheegay inay qaybo dalka ka mid ah gacanta ku hayso, ayna dadka ku nool deegaannadaas dhibaatooyin kala duwan ku hayso.

“Waxaa naga go’an inaan xoogga saarno sidii aan deggenaashaha dalka dib ugu soo celin lahayn, waayo shacabku waxay doonayaan nabad waana taas howsha ugu weyn ee hadda hortaalla xukuumaddeyda,” ayuu hadalkiisa ku daray.

Hadalka madaxda dowladda Soomaaliya ayaa wuxuu imaanayaa iyadoo la ansixiyay golaha wasiirada xukuumada ee ka kooban 55-xubnood maanta la dhaariyay, iyadoo xukuumaddu ay ballanqaaday inay la imaanayso wax-qabad ballaaran.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
1/22/2014 1:28 PM EST
Arbaco, Janaayo 22, 2014 (HOL) — Danjirihii hore ee Mareykanka u fadhiyay Itoobiya, David Shinn ayaa walaac ka muujiyay in ciidanka Itoobiya ay ku biiraan xilligan howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM, isagoo tallaabadan ku tilmaamay mid khalad ah.

1/22/2014 1:26 PM EST
Arbaco, Janaayo 22, 2014 (HOL) — Al-shabaab ayaa la sheegay in xalay internet-ka laga isticmaalo taleefoonnada gacanta lagu qaato ee Mobile-ka loo yaqaan ka jartay deegaannada ay ka taliso ee ku yaalla bartamaha iyo Koonfurta Soomaaliya.

1/22/2014 9:51 AM EST
Arbaco, Janaayo 22, 2014 (HOL) — Ciidamada Ethiopia ayaa si rasmi ah maanta loogu wareejiyay amaanka gobollada Bay, Bakool iyo Gedo ee Koonfurta Soomaaliya, kaddib xaflad ka dhacday Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Bay sida uu sheegay Afhayeenka AMISOM Col. Cali Aadan Xumad.

1/22/2014 9:01 AM EST
Arbaco, Janaayo 22, 2014 (HOL) — Barkhad Cabdi oo ah jilaa Soomaaliyeed kuna soo can-baxay filinkii Captain Phillips oo ah filin ay duubtay shirkadda Hollywood-ka ayaa ka hadlay dareenkiisa la xiriira inuu ka mid yahay aktarada sanadkan u sharaxan billadda Oskarka oo xafladeeda la qaban doono dhawaan.

1/22/2014 8:47 AM EST
Arbaco, Janaayo 22, 2014 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sh. Maxamuud ayaa xafiiskiisa ku qaabilay xoghayaha guud ee Hay’adda NRC Norwegian Refugee Council, Jan Egeland oo maanta booqasho ku yimid magaalada Muqdisho ee xarunta Soomaaliya.

1/22/2014 7:46 AM EST
Arbaco, Janaayo 22, 2014 (HOL) — Maamulka gobolka Benaadir iyo taliska ciidamada nabadgelyada waddooyinka Muqdisho oo iskaashanaya ayaa ku guuleystay mar kale inay nalalka samaafaraha ka hirgeliyaan isgoysyo hor leh oo ku yaalla Muqdisho, kuwaasoo kala ah isgoysyada Sayidka iyo Dabka.

1/22/2014 7:38 AM EST
Arbaco, Janaayo 22, 2014 (HOL) — Kalfadhigii labaad ee golaha Akadeemiye goboleedka Af-Soomaaliga (AGA) ayaa ku qabsoomay 15 illaa 16-kii bishan Janaayo 2014-ka magaalada Jigjiga ee xarunta Ismaamulka Soomaalida ee dalka Itoobiya, iyadoo laga soo saaray go’aammo wax ku ool ah.

1/22/2014 7:16 AM EST
Arbaco, Janaayo 22, 2014 (HOL) — Wasiirarda cusub ee golaha wasiirrada xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta lagu hordhaariyay baarlamaanka Soomaaliya, iyadoo dhaarinta ay goobjoog ka ahaayeen madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ra’iisul wasaarihiisa C/weli Sheekh Axmed Maxamed iyo guddoomiyaha baarlamaanka Maxamed Sh. Cismaan Jawaari oo kulanka shir-guddoominayay.

1/22/2014 6:17 AM EST
Arbaco, Janaayo 22, 2014 (HOL) — Wasiirka caafimaadka iyo fayadhowrka maamulka Jubba Xasan Daahir Yaroow ayaa Hotel Qiilmawaaye ee magaalada Kismaayo kulan isbarasho ah kula qaatay qaar kamid ah hay’adaha samafalka ee ka howlgalada degmada Kismaayo.

1/22/2014 6:03 AM EST
Arbaco, Janaayo 22, 2014 (HOL) — Ciidamada Itoobiya ee ku sugan Soomaaliya ayaa si rasmi ah ugu biiray maanta oo Arbaco ah howgalka Midowga Afrika ee AMISOM, si loo xoojiyo dagaallada lagula jiro Xarakada Al-shabaab ee ka dagaalanta gudaha Soomaaliya.

1/22/2014 1:55 AM EST
Arbaco, Janaayo 22, 2014 (HOL) — Ha’yad maxalli ah oo ka howlgasha Kenya laguna magacabo WARDO ayaa indho fiiqis u sameysay qoxootiga ku jira xeryaha qoxootiga Dhadhaab-Kenya iyo Kenyanka ku nool deegaannada ku dhow-dhow xeryaha Qoxootiga.

1/22/2014 1:37 AM EST
Arbaco, Janaayo 22, 2014 (HOL) — Ha’yadda xuquuqul insaanka ee Human Rights Watch (HRW) ayaa ku eedeysay xukuumadda Kenya inay beegsatay Soomaalida qoxootiga ku ah dalkeeda, kaddib weerarkii Westgate Mall oo 21-kii September sannadkii hore.

1/22/2014 12:51 AM EST
Arbaco, Janaayo 22, 2014 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sh. Maxamuud ayaa ka hadlay wadahadallada u dhexeeya dowladda Soomaaliya iyo Somaliland iyo weliba shirkadaha ammaanka ka shaqeeya ee ku sugan Muqdisho.