4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 22, 2014
Warbixin iyo Go'aannadii Kal-fadhiggii Labaad ee Akadeemiyada AGA

Arbaco, Janaayo 22, 2014 (HOL) — Kalfadhigii labaad ee golaha Akadeemiye goboleedka Af-Soomaaliga (AGA) ayaa ku qabsoomay 15 illaa 16-kii bishan Janaayo 2014-ka magaalada Jigjiga ee xarunta Ismaamulka Soomaalida ee dalka Itoobiya, iyadoo laga soo saaray go’aammo wax ku ool ah.

Qabashada kulankan waxaa gacan weyn ka geysatay jaamacadda Jigjiga oo uu hormuud ka yahay guddoomiyeheeda, Dr. Cabdinaasir Axmed Ibraahim, waxaana furay madaxweyne-ku-xigeenka dowladda deegaankaas C/fataax Maxamed, isagoo ka jeediyay khudbad isugu jirtay soo dhaweyn iyo xog-warran ku saabsan dadaalka dowladda deegaanku gu jirto guud ahaan horumarinta afka iyo dhaqanka Soomaaliya.

Waxaa kaloo xafladdii furitaanka kasoo qaybgalay madax sare oo ay ka mid ahaayeen wasiirka warfaafinta iyo dhaqanka, wasiirka Waxbarashada, xubno ka socday jaamacadda Jig-jiga iyo maamulayaasha dugsiyada ayaa iyaguna goobjoog ka ahaa.

Guddoomiyaha AGA, Dr. Maxamed Daahir Afrax iyo ku-xigeenkiisa, abwaan Maxamed Ibraahim Hadraawi ayaa iyaguna kulanka kasoo jeediyay xog-warran ku saabsan siyaasadda afafka ee guud ahaan Itoobiya gaar ahaan deegaanka dowlad deegaanka Soomaalida iyo sidoo kale barnaamijka cusub ee heerka digriiga ah ee Jaamacadda Jigjiga, kaasoo ay xubnaha goluhu ka geysteen talo-bixin laga codsaday. Kaddib goluhu wuxuu guda-galay hawlihii u gaarka ahaa. Qodobbada hawlahaas waxaa ka mid ahaa warbixinno wixii AGA u qabsoomay muddadii lixda bilood ahayd ee ay jirtey; waxqabadka u qorshaysan muddada ka harsan xilligii xilka loo igmaday golahan; arrimo taagnaa oo meel-dhigid u baahnaa iwm.

Dood-wadaag diirran iyo falanqayn dheer kaddib goluhu wuxuu soo saaray go’aannada soo socda:

1. In loo mahadceliyo madaxda dowlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya iyo madaxda Jaamacadda Jigjiga martigalintii wacnayd iyo soo dhaweyntii aadka u diirranayd ee ay ku martigaliyeen kalfadhiga labaad ee golaha AGA iyo in lagu bogaadiyo dadaalka weyn ee ay u galeen guud ahaan horumarinta iyo xoojinta afka hooyo iyo dhaqanka ummadda Soomaaliyeed.

2. In la qabto shirweynaha Akadeemiyaha bisha Luuliyo ee sannadkan 2014, haddii ayan ka hor imaan duruufo khasab ka dhiga in dib loo dhigo.

3. Halka lagu qabanayo shirweynaha in dib laga go’aamiyo kaddib marka lala tashado madaxda dowladaha xubnaha ka ah Akadeemiyada.

4. In lagu tallaabsado fulinta qorshe-hawleedka AGA ee wajiga labaad – Jannaayo – Juun, 2014. Iyadoo hoggaanka xarunta dhexe lagu bogaadiyay, looguna hambalyeeyay dadaalkii badnaa ee suuro-galiyay inuu si buuxda u hirgalo qorshe-hawleedkii wajigii koowaad ee Luuliyo – Desember, 2013-ka.

5. In xoogga la saaro qaban-qaabinta shirweynaha, sidaa awgeed guddoomiyuhu inuu xil-saaro guddi qaban-qaabo oo si firfircoon u hawlgala laga billaabo bisha Maarso.

6. In bilaha soo socda xoogga la saaro dhamaystirka heshiiska guud ee AGA, taasoo loo marayo tallaabooyinka soo socda:

A. inuu guddoomiyuhu dib u eegis ku sameeyo kaddibna xubnaha golaha u kala diro qabyo-qoraalkii uu hore u diyaariyay guddigii asaas-dhigga AGA;

B. Xubnaha golaha inuu mid waliba dib eego kana soo ra’yi-bixiyo;

7. Intaa kaddib in lagala tashado xeer-yaqaanno ku xeel-dheer xeerka caalamiga ah (international Law);

8. In markaa kaddib loo gudbiyo ansixinta shirweynaha iyo madaxda dowladaha ay khusayso.

9. Inay si dhakhso ah u hawlgalaan jid-bixiyeenkii guddiyada xeel-dheerayaasha ee dhawaan la magacaabay;

10. In la dhamaystiro booqasho-hawleedyadii meelaha dhimman, siiba Kenya iyo Marekanka;

11. In la dhamaystiro dhismaha laamaha AGA, sida laanta Jigjiga, laanta Maraykanka, iwm.

LAANTA KENYA: Waxaa lagu bogaadiyay guud ahaan dadaalkooda gaar ahaanna fikraddooda ah inay qabtaan kulanno uu ugu soo horreeyo kulan dadweyne oo bulsho-weynta reer Kenya lagu barayo AGA, waxaana la faray inay ku beegaan maalinta caalamiga ah ee Afka hooyo, 21-ka Febraayo ee sannadkan 2014-ka. Waxaa la go’aamiyey in munaasabaddaas lagu beego booqasho-hawleedda Kenya ee masuuliinta AGA.

Waxaa kaloo laanta Kenya lagu boorriyay inay ka warkeenaan arrintii ku laalayd wasiirka dhaqanka ee Kenya iyo In la xoojiyo laamaha/wakiillada Somaliland, Puntland iyo qurbaha.

Goluhu wuxuu bogaadin weyn iyo mahadcelin ballaadhan u soo jeediyay Madaxweynaha jamhuuriyadda Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle sida hagar la’aanta ah ee uu had iyo jeer ugu dadaalo horumarinta afkeenna hooyo iyo dhaqanka ummadda; waxaana mahad gaaar ahaaneed goluhu uga celiyay kaalintii hormuudnimo ee uu ka soo qaatay u gogol-dhigga asaaskii AGA iyo fududaynra hawl-galkeeda, taasoo ay ka mid ahayd ku deeqiddii xafiiska qalabaysan ee ay AGA shaqadeeda ku billowday.

Sidoo kale, goluhu wuxuu si weyn u bogaadiyay madaxweynaha dowlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya, Cabdi Maxamuud Cumar, dadaalka weyn ee uu muddadii uu madaxweynaha ahaa ku bixiyay qiimaynta iyo xoojinta afka hooyo iyo noolaynta dhaqanka ummadda.

Goluhu wuxuu rajaynayaa inuu dadaalka labadaa madaxweyne ku dayasho wanaagsan u noqdo hoggaamiyeyaasha kale ee Soomaalida.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya