4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 22, 2014
Golaha Wasiirrada oo la dhaariyay iyo Kalfdhigii Saddexaad ee Baarlamaanka oo lasoo xiray (SAWIRRO)


Arbaco, Janaayo 22, 2014 (HOL) — Wasiirarda cusub ee xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta lagu hordhaariyay baarlamaanka Soomaaliya, iyadoo dhaarinta ay goobjoogayaal ka ahaayeen madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sh. Maxamuud, ra’iisul wasaarihiisa C/weli Sheekh Axmed Maxamed iyo guddoomiyaha baarlamaanka, Maxamed Cismaan Jawaari oo kulanka shir-guddoominayay.

Xubnaha wasiirrada ee la dhaariyay ayaa waxay tiradoodu ahayd 55-ka xubnood ee goluhu uu ka kooban yahay, kuwaasoo isugu jiray 25-wasiir, 25-wasiir ku xigeen iyo shan wasiir u dowle, waxaana dhaariyay guddoomiyaha maxkamadda sare ee dalka, Avv Caydiid C/llaahi Ilko-xanaf.

Dhaarinta kaddib waxaa kulanka hadal ka jeediyay ra'iisul wasaaraha Somalia isagoo uga mahadceliyay xildhibaannada baarlamaanka sidii ay kalsoonida u siiyeen xukuumaddiisa shalay oo Talaado ahayd, isagoo ballan-qaaday inay wadashaqeyn wanaagsan la yeelan doonaan baarlamaanka.

Guddoomiyah baarlamaanka oo isna hadlay ayaa ka warbixiyay waxyaabaha u qabsoomay baarlamaanka, isagoo sheegay in intii ay howsha ku gudo jireen ay geeriyoodeen siddeed mudane oo qaar ka mid ah la dilay, sagaal xubnood oo kalena ay xilalkooda iska casiyeen.

Sidoo kale, guddoomiyuhu wuxuu sheegay in 17-kursi ee ka bannaanaaday baarlamaanka ay u buuxiyeen sida uu qabo dastuurka KMG ah ee dalka, ayna kalsoonida kala laabteen xukuumaddiii hore, iyagoo ansixiyeen xukuumadda cusub ee lasoo dhisay.

HALKAN KA DAAWO SAWIRRO BADAN:

Prof. Jawaari oo sii hadlayay ayaa ka warbixiyay ajandayaal fara badan oo uu sheegay inay qaarkood akhirtooda ku gudo-jiraan, laakiin la meel-mariyay hindise sharciyeedyo ay ka mid yihiin: heshiiskii iskaashi ee milateriga Soomaaliya ay la galeen dalal caalamka ka tirsan, heshiiskii caalamiga ah CONTENUE, heshiiskii shirkadda FAVORI ee dib dhiska garoonka diyaaradaha Muqdisho iyo kuwo kale.

Afhayeenka baarlamaanka wuxuu jeediyay khudbad dheer oo uu kaga warbixiyay howlaha baarlamaanka Somalia uu qabtay iyo kuwa horyaalla, isagoo xusay inay wada-shaqeyn wanaagsan kala dhexeyso dhammaan hay’adaha kala duwan ee dowladda Soomaaliya.

Xildhibaannada baarlamaanka ayuu kula dardaarmay maadaama ay fasax galayaan inay dib ugu laabtaan gobollada iyo deegaannada ay kasoo jeedaan wixii ay kala soo kulmaanna ay dib ugula soo laabtaan baarlamaanka si ay ugu sharraxaan.

Ugu dambeyn, guddoomiyaha baarlamaanka wuxuu khudbadiisa ku sheegay in xafladda xirtaanka kalfadhiga saddexaad ee baarlamaanka Soomaaliya lagu qaban doono caawa xafiisyada guddoonka baarlamaanka ee Villa Hargeysa, isagoo wasiirrada cusub ugu baaqay inay kasoo qaybgalaan.

Intaas kaddib waxaa isaguna goobta ka hadlay madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu ugu horreyn ugu mahadceliyay xubnaha baarlamaanka howsha ballaaran ee ay dalka ka qabteen, isagoo sheegay in Soomaaliya aysan wax badan u qabsoomeen haddii aan la heli lahayn gole baarlamaan oo sidan oo kale.

“Mudanayaasha baarlamaanku waxay waqtigooda iyo naftooda u hureen sidii ay wax ugu qaban lahaayeen dalkooda iyo dadkooda, taasna waa howl-karnimo dheeraad ah oo ay muujiyeen,” ayuu yiri madxweynaha Soomaaliya.

Howlaha baarlamaanka uu qabtay kuwood ugu muhiimsan ayuu ku sheegay inay ka mid ahaayeen inay ansixiyeen xukuumadihii kala duwanaa ee dalka soo maray iyo sdiii dib loogu soo celin lahaa gacanta dowladda deegaanno fara badan oo ay hadda dowladdu ka taliso.

“Sannadkan cusub ee 2014 waxaa na horyaalla howlo muhiim ah, waxaana dhammaan na-looga baahan yahay inaan si wadajir ah uga wada-shaqeynno,” ayuu yiri madaxweynaha Soomaaliya oo sheegay in la xisaabtan xukuumadda ay tahay mid muhiim ah, in wax la isku diido ama wax la ogolaado oo keliyana aanay ahayn shaqooyinka baarlamaanka, balse loo baahan yahay in howlaha na horyaalla oo dhan wadajir looga wada-shaqeeyo.

Gababadii madaxweynaha Soomaaliya wuxuu si rasmi ah ugu dhawaaqay inuu xiran yahay kalfadhigii saddexaad ee baarlamaanka Somalia, inkastoo xalflad weyn oo xiritaan ah ay caawa dhici doonto.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya