4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 22, 2014
Wasiirka caafimaadka Jubba oo la shiray hay’ado gargaar (SAWIRRO)


Arbaco, Janaayo 22, 2014 (HOL) — Wasiirka caafimaadka iyo fayadhowrka maamulka Jubba Xasan Daahir Yaroow ayaa Hotel Qiilmawaaye ee magaalada Kismaayo kulan isbarasho ah kula qaatay qaar kamid ah hay’adaha samafalka ee ka howlgalada degmada Kismaayo.

Kulankan ayaa waxaa kasoo qeybgalay ku dhawaad 35 hay’adood oo isugu jira kuwo gudaha ka shaqeeya iyo qaar kaloo caalami ah, iyadoo kulankan diirada lagu saarayay isbarasho iyo sidii hay’adahaasi ay ula shaqeyn lahaayeen maamulka.

Hay’adihii kulanka kazoo qeybgalay ayaa soo dhaweeyay kulanka ay maanta la qaateen wasiirka caafimaadka iyo fayadhowrka, iyagoo sidoo kale goobta kusoo bandhigay waxqabadkooda, waxayna ballan qaadeen in ay la shaqeyn doonaan maamulka.

Isu duwaha caafimaadka Jubooyinka Axmed Sidiiq ayaa sheegay in kulankii maanta uu si guul ah kusoo dhamaaday, isagoo xusay in wasiirka iyo hay'adaha ay ka wada hadleen islamarkaana muhiimada kulanku ay ahayd isbarasho iyo wadashaqeyn dhexmarta wasiirka iyo hay'adaha dhanka caafimaadka ee Jubooyinka.

Kulanka markii uu soo dhamaaday kadib ayaa waxa saxafaadda uga warbixiyay wasiirka caafimaadka iyo fayadhowrka maamulka Jubba Xasan Daahir Yaroow, waxa uuna sheegay in hay'adaha ay kala hadleen sidii ay u dhexmari lahayd wada shaqeyn, wuxuuna xusay in hada wixii ka danbeeyo ay la xisaabtami doonaan hay'adaha islamarkaana ay dabagal ku sameyn doonaan waxqabadkooda.

Kulankan uu wasiirku la qaatay hay'adaha ka howlgala degmada Kismaayo ayaa kusoo beegmaya iyadoo dhawaan wafdi uu hogaaminayo wasiirka ay booqasho ku tageen qaar kamid ah goobaha caafimaadka ee degmada Kismaayo sida isbitalka guud ee degmada Kismaayo.




Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya