4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 22, 2014
Ciidamada Itoobiya oo si Rasmi ah ugu Biiray Howl-galka AMISOM

Arbaco, Janaayo 22, 2014 (HOL) — Ciidamada Itoobiya ee ku sugan Soomaaliya ayaa si rasmi ah ugu biiray maanta oo Arbaco ah howgalka Midowga Afrika ee AMISOM, si loo xoojiyo dagaallada lagula jiro Xarakada Al-shabaab ee ka dagaalanta gudaha Soomaaliya.

Xarakada Al-shabaab ayaa weli ka talisa deegaanno badan oo Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya ku yaalla, iyagoo weerarro gaadmo ah ka sameeya deegaannada iyo degmooyinka ay gacanta ku hayaan ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM oo ay ku jirto Muqdisho.

Ciidamada Itoobiya ayaa looga fadhiyaan inay weeraraan deegaanno ay ka mid yihiin Shabeelada Hoose, Shabeellada dhexe iyo gobolka Jubbada dhexe, halka gobolka Jubbada hoose gacanta ay ka dagaalamaan ciidanka dalka Kenya iyo kuwa Sierra Leone, halka ciidamada Uganda, Jabuuti iyo Burundi ay iyaguna ka dagaalama deegaano ku gobolllada waqooyiga kaga beegan caasimadda iyo weliba gobolka Banaadir.

“Itoobiya waxay noqonaysaa dowladdii lixaad oo ciidammo u soo dirta Soomaaliya, iyagoo ku biiraya kuwa Jabuuti, Uganda, Burundi, Kenya iyo Sierra Leone ka socda,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed soo baxay maanta oo Arbaco ah.

Wararka ayaa waxay intaas ku darayaan in ciidamada Itoobiya ee qaybta ka noqonaya kuwa AMISOM ay gaarayaan 2,000 oo askari, inkastoo ay ciidan ka badan intaas kaga sugan yihiin Soomaaliya.

Ciidamada Itoobiya ayaa waxay saldhigyo horay ugu lahaayeen deegaanno ay ka mid yihiin Baydhabo iyo Baladweyne, halkaasoo ay ka saareen kooxda Al-shabaab sannadihii 2011 iyo 2012-kii.

“Askarta Itoobiya kuwa Burundi iyo kuwa Uganda ayaa lagu wada inay si wadajir ah howgallo uga fuliyaan deegaanno ay ka mid yihiin gobolllada Shabeellooyinka oo Waqooyi iyo Koonfur kaga beegan Muqdisho,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Howgalka AMISOM ayaa waxaa markii ugu horreysay Somalia laga bilaabay sannadkii 2007, xilligaasoo ay dalka ku sugnaayeen ciidammo Itoobiyaan ah oo dagaal kula jiray xoogaggii maxkamadaha Islaamka oo ay u arkayeen kuwo khatar ku ah ammaanka guud ee Itoobiya.

Tallaabadan ayaa waxay imaanaysaa xilli golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ay go’aamiyeen sannadkii hore in ciidamada AMISOM tiradooda la gaarsiiyo 22,000 oo askari si ay u xoojiyaan dagaallada lagula jiro kooxda Al-shabaab.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya