4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 22, 2014
Qoxooti Soomaaliyeed oo Indhaha Loogu Fiiqay Xeryaha Dhadhaab

Arbaco, Janaayo 22, 2014 (HOL) — Ha’yad maxalli ah oo ka howlgasha Kenya laguna magacabo WARDO ayaa indho fiiqis u sameysay qoxootiga ku jira xeryaha qoxootiga Dhadhaab-Kenya iyo Kenyanka ku nool deegaannada ku dhow-dhow xeryaha Qoxootiga.

Mashruucan ayaa waxaa loogu magac-daray [Dabar-goynta Indho-la’aanta Afrika] waxaana indhaha loogu fiiqay 178-qof sida uu sheegay Dr Maxamuud Sheekh Maxamed Oomar oo ahaa mas’uulka howshan waday.

“Waxaan ku guuleysannahay inaan indhaha u dillaacinno 178 ruux oo isugu jira Kenyan iyo Soomaali, kuwaasoo uu kusoo gadoomay xuubka indhaha, sidoo kale waxaa ka faa’iideystay mashruucan oo indhaha loogu daweeyay 500 oo qof. Mashruucuna wuxuu socday muddo afar maalmood ah,” ayuu yiri Dr Oomaar.

Sidoo kale dhakhtarka oo ka hadlayay inay arkeen dad xanuun daran qaba ayaa sheegay inay arkeen dhowr qof, kuwaasoo ay ku jirtay gabar 19-sano jir ah oo nuurka uu ka tagay, taasoo uu sheegay inay Nairobi geyn doonaan si ay baaris dheeraad ah ugu sameeyaan haddii hay’adaha UN-ka ee gacanta ku haya xeryaha qoxootiga ay ka ogolaadaan.

“Xeryaha waxaan ugu nimid 1300 oo qof oo u baahan indho-fiiqid, taasoo aanan filanayn, balse waxaan rajeynaynaa in bilaha ama sannadha soo socda aan u sameyno indho-fiiqis,” ayuu hadalkiisa ku daray Dr. Oomaar.

Dhanka kale, wuxuu sheegay inay arkeen illaa saddex qof oo qaba cudurka indha ku fura biyaha, isagoo sheegay inay dadkaas u sameeyeen daweyn gaar ah.

Mashruucan ayaa qayb ka noqonaya mashaariic dhowr ah oo noociisa ah oo ay horay ha’yado samafal ah uga sameeyeen xeryaha Dhadhaab oo ay ku jiraan in ka badan nus malyuun qoxooti Soomaaliyeed ah.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya