3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 21, 2014
Baarlamaanka oo cod aqlabiyad ah ku ansixiyay Xukuumadda cusub (SAWIRO)


Talaado, Janaayo 21, 2014 (HOL) — Xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya ayaa goor dhow cod aqlabiyad ah ku ansixiyay xukuumadda cusub ee uu soo dhisay dhawaan ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, iyadoo ay ogolaadeen inta badan xildhibaanadii kulanka ku sugnaa.

Codeynta oo ahayd mid gacan-taag ah ayaa waxaa codeeyay 233 xildhibaan iyadoo 186 ka mid ah ay ku codeeyeen HAA, halka 46 mudane ay iyaguna ku codeeyeen MYA, waxaana ka aamusay hal mudane oo keliya.

Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Shiikh Cismaan Jawaari oo kulanka shir-guddoominayay ayaa ku dhawaaqay natiijada codeynta, iyagoo markaas kaddib uu hoolka baarlamaanka ka billowday sawaxan ay sameynayaan xubnaha golaha wasiirrada oo intooda badan ku sugnaa hoolka uu kulanku ka socday si ay u muujiyaan farxaddood.

Xildhibaanno ka badan sideetan ayaa hadallo ka jeediyay hoolka shirarka baarlamaanka Soomaaliya ka hor intii aan loo codeyn xukuumadda, kuwaasoo ahaa kuwo aragtiyo kala duwan ka bixiyay xukuumadda cusub ee Soomaaliya.

HALKAN KA DAAWO SAWIRRO BADAN:

Wasiir ku xigeenka gaashandhigga Soomaaliya, xildhibaan C/lla Xuseen Cali oo codeynta kaddib la hadlay warbaahinta qaarkeed ayaa sheegay inay aad ugu faraxsan yihiin sida kalsoonida loo siiyay.

Sidoo kale, guddoomiyaha baarlamaanka oo hadlay ayaa sheegay in berri oo Arbaco ah la dhaarin doono golaha wasiirrada xukuumadda Somalia, mana jirin hadal uu jeediyay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, C/weli Sheekh Axmed codeynta kaddib.

Balse ra'iisul wasaaraha ayaa hadal uu furitaankii kulanka baarlamaanka ka jeediyay aad ugu sharraxay inay xukuumaddiisu qaban doonto howlo fara badan oo horyaalla haddii ay codka kalsoonida hesho, kuwaasoo ay ka mid yihiin adkeynta nabadda, la dagaalanka Al-shabaab iyo dhismaha ciidamada dalka oo uu sheegay inay tiradoodu noqonayso 28,000 oo isugu jira kuwa dhulka, cirka iyo badda.

Golaha cusub ee wasiirrada xukuumadda Somalia oo ka kooban 55-xubnood ayaa intooda badan waxay yihiin xildhibaanno, waxaana xubno horay uga tirsanaa xukuumaddii kalsoonida lagala laabtay ee Saacid.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
1/21/2014 10:53 AM EST
Talaado, Janaayo 21, 2014 (HOL) — Madaxweynaha dowladda federaalka Somalia, Xasan Sheekh Maxamud ayaa soo dhaweeyey ansixintii golaha wasiirrada cusub ee xukuumadda Soomaaliya.

1/21/2014 8:12 AM EST
Talaado, Janaayo 21, 2014 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Somalia ayaa la hadlay maanta xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya, isagoo sheegay in haddii la meelmariyo xukuumadda uu soo dhisi doono ciidan gaaraya 28,000 oo askari oo isugu jira kuwa dhulka, cirka iyo badda.

1/21/2014 7:32 AM EST
Talaado, Janaayo 21, 2014 (HOL) — Maamulka degmada Gaalkacyo iyo saraakiisha caafimaadka gobolka Mudug ayaa goor-dhow tafaasiil ka bixiyay qaraxyo maanta ka dhacay magaalada Gaalkacyo.

1/21/2014 6:11 AM EST
Talaado, Janaayo 21, 2014 (HOL) — Xilli la qaban-qaabinayo gogol nabadeen oo loo fidiyo beellihii ku dagaallamay dhawaan deegaanno ka tirsan gobolka Hiiraan, ayeey ku baaqeen guddigga nabadeynta beellaha dirirtu dhaxmartay in aan la carqaladeynin dadaallada la doonayo lagu soo afjaro colaada.

1/21/2014 6:06 AM EST
Talaado, Janaayo 21, 2014 (HOL) — Magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa goor-dhow ka dhacay labo qarax oo is-xiga, waxayna dhaliyeen khasaare isagu jirta dhimasho iyo dhaawac.

1/21/2014 3:16 AM EST
Talaado, Janaayo 21, 2014 (HOL) — Xafiiska arrimaha siyaasadda AMISOM ayaa shalay ugu deeqay kambiyuutarro guddiga ammaanka iyo arrimaha gudaha ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

1/21/2014 2:14 AM EST
Talaado, Janaayo 21, 2014 (HOL) — Guddoomiyaha xisbiga UCID oo ka mid ah asxaabta mucaaradka Somaliland, Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay inaysan aqoonsanayn heshiiskii ay dowladda Soomaaliya iyo Somaliland ku kala saxiixdeen magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga.

1/21/2014 1:46 AM EST
Talaado, Janaayo 21, 2014 (HOL) — Intaan ka hadlin hoos u dhaca ku yimid falalka kooxaha burcabdeedda Somalia ay kusoo qafaalan jireen maraakiibta shisheeye, bal aan xoogaa tab-taabanno dhibaatooyinka ay burcadbadeeddu abuureen. Waxaaan Xaqiiqo ah in saameyn weyn ay ku yeesheen nolosha iyo dhaqanka ummadda Soomaaliyeed.

1/21/2014 1:05 AM EST
Talaado, Janaayo 21, 2014 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sh. Maxamuud ayaa markii ugu horreysay ka hadlay xirnaashaha waddooyinka Muqdisho qaarkood, isagoo ku tilmaamay xrinaashahan kuwo lagu bad-baadinayo nolosha shacabka Soomaaliyeed iyo ajaanibta dalka ku sugan.