4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 21, 2014
Faahfaahino ku saabsan Qaraxyadii ka dhacay Magaalada Gaalkacyo

Talaado, Janaayo 21, 2014 (HOL) — Maamulka degmada Gaalkacyo iyo saraakiisha caafimaadka gobolka Mudug ayaa goor-dhow tafaasiil ka bixiyay qaraxyo maanta ka dhacay magaalada Gaalkacyo.

Qaraxyada maanta Gaalkacyo ka dhacay waxaa ay ahaayeen labo qarax oo lugu sheegay inay ahaayeen nooca dhulka lugu aaso oo maalaha fog-fog laga hago. Waxayna ka dhceen waddada laamiga ah ee u dhaxeeysa  isbitaalka GMC ee Dr. Dhegacadde ee Waqooyiga Gaalkacyo iyo suuq Barwaaqo.

Duqa magaalada Gaalkacyo, Axmed Cali Salaad oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in wax laga xumaado ay yihiin qaraxyada dhacay, isagoo intaa ku dhacay inay dad shacab ah waxyeello kasoo gaartay.

"Waan ka tacsiyeenaynaa dhimashada ay sababeen qaraxyadan, dadka ku dhaawacmayna caafimaad rabbi ha siiyo. Dad shacab ah ayaa lugu laayay qaraxyadan, xilliganna ciidamada ammaanka ayaa wada baaritaanno lugu baadi goobayo dadkii dhibaatadan geystay. Ciidamada ayaana xilligan ku sugan oo la wareegay goobtii uu qaraxa ka dhacay," ayuu yiri Axmed Cali Salaad.

Sidoo kale maamulaha isbitaalka gobolka Mudug, Axmed Diiriye Sugulle oo isna dhankiisa la hadlay warbaahinta qaraxyada khasaaraha geystay ayaa shegay in saddex ruux oo uu ilmo yar uu ku jiro inay ku dhinteen lix qof oo kalena ay ku dhaawacmeen.

"Saddex ruux ayaa dhimatay, lix kalwna dhaawacyo kala duwan ayaa soo gaaray, kuwaas oo dadweyntoodu ay socoto, xaaladdooduna way wanagsan tahay," ayuu mar kale yiri maamulaha isbitaalka gobolka Mudug.

Mas'uuliyadda qaraxyadan wali ma jirto cid sheegatay, mana jirto illaa hadda waxaan shacab ahayn oo qaraxa lala eegtay, sida maamulka degamada ay sheegeen.

Si kataba ha ahaateen, qaraxyadan waxay kusoo beegmayaa xilli muddadii dambe ammaanka Gaalkacyo uu ahaa mid kasoo raynaya oo ay aad ugu yaraadeen dhacdooyinka noocan oo kale ah.

Iimaan Maxamed, Hiiraan Online
[email protected]
Gaalkacyo, Soomaaliya