3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 21, 2014
Qaraxyo Khasaarooyin kala duwan geystay oo ka dhacay Gaalkacyo

Talaado, Janaayo 21, 2014 (HOL) — Magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa goor-dhow ka dhacay labo qarax oo is-xiga, waxayna dhaliyeen khasaare isagu jirta dhimasho iyo dhaawac.

Qaraxyadan waxay ka dhaceen Waqooyiga Gaalkacyo gaar ahaana jidka laamiga ah ee u dhaxeeya suuq lugu magacaabo Barwaaqo iyo Isbitaalka GMC ee magaalada.

Jidka laamiga ah ayay qaraxyadu ka dhaceen, waxaan markii hore la maqlay dhawaaqa qaraxa, markiiba waxaa goobta ku yaacay shacabkii ka agdhawaa daqiiqad kaddib ayaa haddana waxaa dhacay qarixii labaad.

Saddex qof ayaa ku dhimatay qaraxyadan illaa toddobo ruux oo kalana way ku dhaawacmeen. Qaraxyadan waxaa ay ahaayeen nooca meelaha fog fog laga hago.

Saraakisha caafimaadka iyo dad goobta ka agdhawaa oo goor dhaweyd la hadlay HOL ayaa sheegay geerida saddexda ruux iyo dhaawaca toddobada kale, waxaana dhaawacyada qaraxyadan la gaarsiiyey isbitaalka guud ee gobolka Mudug.

Xilligan isbitaalka guud waxaa ku sugan maamulka gobolka Mudug kan degmada saraakiisha ammaanka gobolka, waxaana la filaya goor-dhow inay saxaafadda la hadlaan.

Faahfaahinta goor dhow kala soco HOL.

Iimaan Maxamed,Hiiraan Online
[email protected]
Gaalkacyo, Soomaaliya













Click here
1/21/2014 10:53 AM EST
Talaado, Janaayo 21, 2014 (HOL) — Madaxweynaha dowladda federaalka Somalia, Xasan Sheekh Maxamud ayaa soo dhaweeyey ansixintii golaha wasiirrada cusub ee xukuumadda Soomaaliya.

1/21/2014 10:00 AM EST
Talaado, Janaayo 21, 2014 (HOL) — Xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya ayaa goor dhow cod aqlabiyad ah ku ansixiyay xukuumadda cusub ee uu soo dhisay dhawaan ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, iyadoo ay ogolaadeen inta badan xildhibaanadii kulanka ku sugnaa.

1/21/2014 8:12 AM EST
Talaado, Janaayo 21, 2014 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Somalia ayaa la hadlay maanta xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya, isagoo sheegay in haddii la meelmariyo xukuumadda uu soo dhisi doono ciidan gaaraya 28,000 oo askari oo isugu jira kuwa dhulka, cirka iyo badda.

1/21/2014 7:32 AM EST
Talaado, Janaayo 21, 2014 (HOL) — Maamulka degmada Gaalkacyo iyo saraakiisha caafimaadka gobolka Mudug ayaa goor-dhow tafaasiil ka bixiyay qaraxyo maanta ka dhacay magaalada Gaalkacyo.

1/21/2014 6:11 AM EST
Talaado, Janaayo 21, 2014 (HOL) — Xilli la qaban-qaabinayo gogol nabadeen oo loo fidiyo beellihii ku dagaallamay dhawaan deegaanno ka tirsan gobolka Hiiraan, ayeey ku baaqeen guddigga nabadeynta beellaha dirirtu dhaxmartay in aan la carqaladeynin dadaallada la doonayo lagu soo afjaro colaada.

1/21/2014 3:16 AM EST
Talaado, Janaayo 21, 2014 (HOL) — Xafiiska arrimaha siyaasadda AMISOM ayaa shalay ugu deeqay kambiyuutarro guddiga ammaanka iyo arrimaha gudaha ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

1/21/2014 2:14 AM EST
Talaado, Janaayo 21, 2014 (HOL) — Guddoomiyaha xisbiga UCID oo ka mid ah asxaabta mucaaradka Somaliland, Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay inaysan aqoonsanayn heshiiskii ay dowladda Soomaaliya iyo Somaliland ku kala saxiixdeen magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga.

1/21/2014 1:46 AM EST
Talaado, Janaayo 21, 2014 (HOL) — Intaan ka hadlin hoos u dhaca ku yimid falalka kooxaha burcabdeedda Somalia ay kusoo qafaalan jireen maraakiibta shisheeye, bal aan xoogaa tab-taabanno dhibaatooyinka ay burcadbadeeddu abuureen. Waxaaan Xaqiiqo ah in saameyn weyn ay ku yeesheen nolosha iyo dhaqanka ummadda Soomaaliyeed.

1/21/2014 1:05 AM EST
Talaado, Janaayo 21, 2014 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sh. Maxamuud ayaa markii ugu horreysay ka hadlay xirnaashaha waddooyinka Muqdisho qaarkood, isagoo ku tilmaamay xrinaashahan kuwo lagu bad-baadinayo nolosha shacabka Soomaaliyeed iyo ajaanibta dalka ku sugan.