4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 21, 2014
Madaxweynaha oo ka Hadlay Jidadka Xiran iyo Is-Casilaaddii Tarsan


Talaado, Janaayo 21, 2014 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sh. Maxamuud ayaa markii ugu horreysay ka hadlay xirnaashaha waddooyinka Muqdisho qaarkood, isagoo ku tilmaamay xrinaashahan kuwo lagu bad-baadinayo nolosha shacabka Soomaaliyeed iyo ajaanibta dalka ku sugan.

Sidoo kale, madaxweynaha ayaa ka hadlay go’aankii uu ka qaatay xilkii wasiirnimo ee loo magacaabay guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo duqa Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan), isagoo xusay in Tarsan uu howl badan soo qabtay muddadii uu xilka hayay uuna mudan yahay in loo mahadceliyo.

“Waddooyinka xiran ee Muqdisho waa kuwo lagu badbaadinayo shacabka Soomaaliyeed iyo ajaanibta. Maalin walba inta qarax la sameeyo oo 30-qof oo ajnabi ah ayaa dhimatay la yiraahdo oo dalka laga kala cararo ma ahan wax wanaagsan,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Sidoo kale, madaxweynuhu wuxuu sheegay in xirnaashaha waddooyinka qaarkood ay tahay arrin xaaladda amni ee jirta ay keentay, balse aysan noqon doonin mid joogto ah, loogana baahan yahay shacabka inay dul-qaataan; mar dhowna la furi doono.

Madaxweynaha ayaa sheegay in kooxaha amniga kasoo horjeeda ay khatar sameyn karaan haddii waddooyinkaas la furo, arrintuna ay tahay mid duruufto ay keentay, laakiinse aysan ahayn mid ujeeddo kale laga leeyahay.

Dhanka kale, madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka hadlay go’aankii Tarsan uu ka qaatay xilkii loo magacaabay ee wasiir ku xigeenka dhallinyarada iyo isboortiga, isagoo sheegay inuu isagu khiyaar u leeyahay inuu qabto xilkaas iyo in kale, balse ay uga mahadcelinayaan howlihii uu qabtay muddadii sannadaha ahayd ee uu shaqeynayay.

“Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) howlo badan ayuu soo qabtay dhowrkii sano ee uu xilka hayay, wuxuu qabtayna ummadda iyo dowladduba markhaati ayuu ka yahay, balse taasi macnaheedu ma ahan in qofku uu la dhashay xilka uu hayo, waana la bedeli karaa wuxuu qabtayna waa mid ammaanteeda ay isaga u taallo, mas’uul walbana waa la bedeli karaa,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha oo hadalkiis sii wata ayaa sheegay in Tarsan isagu go’aan ku gaari karo inuu qabto xilka loo magacaabay iyo inuu diido, cid ku qasbaysa aysan jirin, balse wixii uu dalka iyo dadka u qaban karo ayuu u qaban doonaa.

Hadalka madaxweynaha Soomaaliya ayaa kusoo beegmaya xilli dhawaan uu guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) uu sheegay inuusan diyaar u ahayn inuu qabto xilka wasiir ku xigeennimo ee loo magacaabay.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya