Hiiraan Online
4/19/2024
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Somali Music
Contact Us
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta- Isniin, Jan 20, 2014
Qorshaha Xukuumadda oo loo Qaybiyay Baarlamaanka (SAWIRRO)
Isniin, Janaayo 20, 2014 (HOL) —Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta loo qaybiyey qorshaha xukuumadda cusub -ee uu maalmo kahor soo magacaabay- Ra'iisul Wasaare C/weli Sheekh Axmed. Xildhibaannada ayaa fursad loo siiyey muddo 24saac ah oo ay qorshaha xukuumadda kusoo eegayaan iyagoo maalinta xigtana ka doodi doona.
Fadhiga Golaha Baarlamaanka ee maanta oo ahaa fadhiga 57-aad ee kal-fadhiga sadexaad waxaa shir guddoominayey Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Cismaan Jawaari. Mudane Jawaari ayaa ugu horreyn isaga oo ku hadlaya afka baarlamaanka wuxuu ka tacsiyeeyey geerida -A
H
N
-
Qareen Xasan Sheekh Ibraahim oo shalay dalka Maraykanka ku geeriyoodey.
Guddoomiyaha ayaa intaas kaddib amray in xildhibaannada loo qaybiyo dukumiintiga uu ku qoran yahay qorsaha xukuumadda, isagoo sheegay in ay muddo hal maalin ah haystaan si ay ugu soo indho-indheeyaan iyagoo maalin kaddibna ka doodi doona.
Mudane Jawaari ayaa soo jeediyey in xildhibaannadu ay qorshaha xukuumadda koox koox isula soo akhriyaan, haseyeeshee xildhibaannada ayaa iyaguna dhankooda soo jeediyey in ay mid mid usoo akhristaan, ra'yigaas oo Afhayeenka Goluhu uu aqbalay si weynna usoo dhoweeyey.
Dhanka kale, waxaa intii uu maanta socdey kulanka 57-aad ee kal-fadhiga saddexaad ee Baarlamaanka Soomaaliya la dhaariyey xildhibaan cusub oo kusoo biiray
G
olaha, xildhibaankaas oo lagu magacaabo Dr Maxamed Aadan Waaberi.
B
e
rri oo Talaado ah a
yey xildhibaannada baarlamaanku
ka doodi doonaan qorshaha xukuumadda cusub ee Ra'iisul Wasaare C/weli Sheekh Axmed Maxamed uu soo dhisay 17-kii bishan aynu ku jirno ee Janaayo, iyagoo maalinta xigta ee Arbacadana codka kalsoonida u qaadi doona xukuumadda cusub.
Kal-fadhiga saddexaad ee Baar
lamaanka So
omaaliya ayaa s
oo xirmi doona
marka codka kalsoonida loo qaado xukuumadda.
Dadka siyaasadda Soomaaliya ka faallooda ayaa saadaalinaya in
B
aarlamaanku uu codka kalsoonida siin doono
golaha wasiirrada ee Ra'ii
sul Wasaare C/weli S
heekh
Axmed.
Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya