4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 20, 2014
EU: “Burcad-badeedku ma qabsan markabka MV Marzooqah”

Isniin, Janaayo 20, 2014 (HOL) —Kaddib markii shalay la shaaciyey in burcad-badeedka Soomaalidu ay afduubteen markab ganacsi oo marayey Badda Cas, ayaa waxaa soo baxaya warar sheegaya in kooxda weerarka geysatay aanay burcad-badeed ahayn.

Wakaallada wararka ee Reuters ayaa qortay in markabkan oo lagu magacaabo MV Marzooqah ay qabteen ciidamada badda ee dalka Eritrea, kaddib markii uu si khalad ah biyaha dalkaas usoo galay.

Shaqaalaha markabka oo markii ay arkeen ciidamada dhankooda usoo socda mooday weerar burcad-badeed, ayaa dirsaday qaylo-dhaan ay ku sheegeen in burcad-badeed Soomaali ahi ay markabka qabsadeen.

Dhanka kale, af-hayeen u hadashay ciidamada badda ee ka socda Midowga Yurub ee howlgalka la-dagaalanka burcad-badeedka u jooga Soomaaliya, taas oo lagu magacaabo Jacqueline Sherriff ayaa sheegtay in markabka ay qabteen ciidamada Eritrea balse aanu jirin weerar uga yimid dhanka shufto-badeedka.

“ waxan cadeynaynaa in howlgalkaas ay fuliyeen ciidamada Eritrea oo markabka qabtay” Jacqueline Sherriff ayaa tiri iyadoo hadalkeeda sii raacisay “ waxan filaynaa in xilligan uu markabku ku jiro gacanta ciidamada Eritrea…shaqaalaha oo mooday in lasoo weeraray ayaa horay warkaas usoo gudbiyey…”

Weerarrada burcad-badeedka Soomaalida oo heerkii ugu sarreeyey gaaray sannadkii 2011, markaasoo ay qaadeen 176 weerar, ayaa si aad ah hoos ugu dhacay sanadkii tegey 2013. Inta la xaqiijiyey 7 weerar oo keliya ayey burcad-badeedku qaadeen iyagoo aan ku guuleysan in ay hal markabna si buuxda gacanta ugu dhigaan.


Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya