4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 20, 2014
Madaxda Maamulka Jubba oo maanta la caleema saarayo


Isniin, Janaayo 20, 2014 (HOL) —Magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubba, waxaa ka socota xaflad ballaaran oo lagu caleema saarayo madaxda maamulkaas, xafladdaas oo loogu magac daray Daah-furka Jubbaland.

Wufuud tira badan oo ka kala socota Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, Dowladda Federaalka Soomaaliya, maamul goboleedyada ka jira dalka, safiirro  iyo dowladaha deriska ah ayaa 24-tii saac ee ugu dambeeyey magaalada Kismaayo soo gaarey; si ay munaasabadda caleema saarka uga qayb galaan.

Wufuudda Kismaayo xilligan ku sugan waxa kamid ah: ergeyga Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Kay, ergeyga Midowga Afrika u jooga Soomaaliya Maxamed Saalax Al-nadiif, madaxweyne ku-xigeenka Puntland C/xakiim Camey, ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Maxamed Geedi; iyo wufuud ka socota dalalka Kenya iyo Itoobiya.



Wakiilka HOL ee gobollada Jubbooyinka oo xilligan ku sugan xarunta madaxtooyada Maamulka Jubba, halkaasoo ay munaasabadda caleema saarku ka socoto, ayaa kusoo warramaya in ammaanka guud ee magaalada Kismaayo si aad ah loo adkeeyey.

Jidadka muhiimka ah ee magaalada dhex mara qaarkood ayaa xiran iyadoo xaafadaha dhexdooda lagu arkayo ciidamada ammaanka oo baaraya dadka iyo gaadiidka.

Khudbadaha laga jeediyo munaasabaddan, sawirrada iyo faah faahin dheeri ah dib ayaan idiinka soo gudbin doonnaa…

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya