4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 20, 2014
Qorshaha xukuumadda cusub oo maanta lasoo gudbinayo

Isniin, Janaayo 20, 2014 (HOL) —Waxaa maanta Golaha Baarlamaanka ee Soomaaliya la horkeeni doonaa barnaamijka siyaasadeed iyo qorshaha ay ku shaqeyn doonto xukuumadda cusub ee uu dhowaanta soo dhisay ra’iisul wasaare C/weli Sheekh Axmed.

Guddiyada joogtada ah ee Baarlamaanka oo shalay kulan yeeshay ayaa shaaciyey in maanta oo Isniin ah xildhibaannada baarlamaanka loosoo gudbin doono qorshaha xukuumadda cusub.

Muddo hal maalin ah ayaa xildhibaanada fursad loo siinayaa inay kusoo indho-indheeyaan qorshaha xukuumadda cusub, sida uu sheegay Xog-hayaha Guud ee Baarlamaanka Soomaaliya C/kariin Cabdi Buux.

Soo gudbinta qorshaha xukuumadda ayaa imaanaya xilli ay hal maalin oo keliya ka harsan tahay toban maalmood oo horay ra’iisul wasaaruhu uu baarlamaanka uga codsaday in ay ugu kordhiyaan waqtiga uu kusoo magacaabayo golihiisa wasiirrada.

Xukuumadda cusub oo tiro ahaan aad uga badan middii uu hoggaaminayey ra’iisul wasaarihii kalsoonida laga laabtay ee Saacid, waxay ka kooban tahay 25 wasiir, 25 wasiir ku-xigeen iyo 5 wasiiru-dowle.

Ra’iisul wasaaraha -todobaadyo kahor lasoo magacaabay- ee C/weli Sheekh Axmed iyo golihiisa wasiirrada ee weli aanay baarlamaanku meel marin, waxaa hor yaalla hawlo adag oo ay ugu horreeyaan: sugidda ammaanka iyo horumarinta adeegyada bulshada gaar ahaan caafimaadka iyo waxbarashada.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya