4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 19, 2014
Haweeney Somali ah oo ku Dhimatay Qarax ka dhacay Afgaanistaan


Axad, Janaayo 19, 2014 (HOL) — Ugu yaraan 21-qof oo ay ku jiro haweeney Soomaali ah oo haysata dhalashada Mareykanka ayaa ka dhacya magaalada Kabul ee caasimadda dalka Afgaanistaan Jimcihii lasoo dhaafay sida ay sheegeen mas’uuliyiinta dowladda dalkaas.

Weerarkan ayaa noqonaya kii ugu horreeyay oo tiro intaan le’eg oo ajnabi ah mar qura lagu dilo tan iyo markii dalkaas ay ka billowdeen howlgallada uu Mareykanku hoggaaminayo ee dalka Afghaanistan lagu xasilinayo muddo laga joogo 13-sano.

Qaraxan oo ka dhacay maqaayad ay leeyihiin dad Lubnaaniyiin ah ayaa dadkii ku dhintay 13-qof oo ka mid ah waxay ahaayeen ajaanib ay ku jirtay haweeney Somali-Mareykan ah oo lagu magcaabi jiray, Basro Faarax Xasan, sideedda qof ee kalena Afganistaaniyiin ayay ahaayeen.

Basro oo la dhalatay qoraaga Soomaaliyeed ee Nuuradiin Faarax ayaa waxay ka mid ahayd saddex qof oo u shaqeynayay hay'adaha Qaramada Midoobay oo qaraxaas ku geeriyooday, iyadoo u shaqeynaysay hay’adda UNICEF qaybteeda nafaqeynta deg-degga ah.

Ajaanibta kale ee qaraxa ku dhintay ayaa waxay u kala dhasheen dalalka Canada, Lubnaan, Denmark, Ruushka, Malaysiya, Mareykanka iyo kuwo kale, iyadoo dadkan ay howlo kala duwan ka hayeen dalkaas.

Qaraxan ayaa waxaa cambaareeyay golaha amniga ee Qaramada Midoobay, ururka NATO, Aqalka Cad ee Mareykanka iyo Midowga Yurub, iyagoo ku tilmaamay mid axmaqnimo ah oo dhibaato badan u geystay dad rayid ah.

“Weerarkan lagu dilay dadka shacabka ah ma ahan mid cudur-daar loo heli karo. Dadka ku dhintay weerarka waxay ahaayeen kuwo mar walba u taagan caawinta shacabka dalkaas si ay mustaqbal wanaagsan, dhaqaale iyo waxbarasho u helaan,” sidaa waxaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Aqalka Cad ee Mareykanka.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, Ban Ki-Moon ayaa weerarkan ku sifeeyay mid aan la aqbali karin. Isagoo yiri: “Weerarkan waa mid si weyn uga horimaanaya sharciyada caalamiga ah. Kuwii geystay waa in lasoo qabto oo lala xisaabtamo. Innagu waxaan ballan-qaadaynaa inaan sii wadi doonno howsha lagu soo celinayo nabadgalyada, horumarka iyo xasilloonida Afgaanistan.”

Mas’uuliyadda weerarkan ayaa waxaa sheegatay Daalibaan, iyagoo xusay in uu ahaa mid ay uga jawaabayaan howlgal uu Mareykanku ka fuliyay gobolka Parwan oo dad shacab ah lagu laayay.

“Weerarrada la midka ah kii lagu qaaday baarka lagu cunteeyo waa kuwo sii socon doona oo aan la beegsanayno ajaanibta,” ayuu fariin qoraal ah ku sheegay afhayeenka Daalibaan, Zabihullah Mujahid. Isagoo intaas ku daray in goobta ay ahayd goob ay gaaladu khamriga ku cabi jireen.

Hoteelka iyo baarka la weeraray ayaa waxaa lahaa Lubaaniyiin, iyadoo inta badan ay wax ka cuni jireen degina jireen dadka shisheeyaha ah ee magaalada Kabul ka howlgala.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya