4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 19, 2014
Dib u dhac ku yimid Wafdi ka socd Puntland oo Kismaayo ku socday


Axad, Janaayo 19, 2014 (HOL) — Waxaa dib-u-dhac uu ku yimid safar uu maanta ku tagi lahaa magaalada Kismaayo madaxweyne ku xigeenka Puntland, C/xakiim C/llaahi Cumar (Camey) iyo wafdi uu hoggaaminayo oo Gaalkacyo soo gaaray.

Dib-u-dhaca ku yimid waftiga ayaa lagu sheegay inay keentay diyaaraddii loogu talo-galay inay mas'uuliyintaan geyso Kismaayo oo dib-u-dhac uu ku yimid, waxaase lagu wadaa inay barri ka ambabaxan Gaalkacyo si ay uga qeyb-galaan munaasabadda caleemo saarka madaxweynaha maamulka Jubba, Sheekh Axmed Madoobe.

Waftiga oo caawa ku baryaya magaalada Gaalkacyo ayaa maanta la shireen maamulka gobolka Mudug, kan degmada Gaalkacyo iyo qaybaha bulshada oo ay kawada hadllen xaaladda gobolka.

Sidoo kale, madaxweyne ku xigeenka Puntland, wuxuu ku booqday hoygiisa Islaan Bashiir Islaan Cabdulle oo ka mid ah isimmada ugu weyn ee Puntland. Iyadoo dib-u-dhaca waftiga madaxweyne ku-xigeenka Puntland waxaa HOL u xaqiijiyay guddoomiyaha gobolka Mudug, Maxamed Yuusuf Jaamac.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland, C/xakiim C/llaahi Cumar (Camey) waxaa uu hadal kooban siiyay saxaafadda, isagoona xusay inuu ku faraxsan yahay safarka uu ku yimid Gaalkacyo, waxaana uu u mahad-celiyay maamulka gobolka iyo shacabka Gaalkacyo oo si weyn u soo dhaweeyay, wuxuuna hadalkiisa raaciyay inuu qorsheynayo inuu yimaado mar kale Gaalkacyo maadaama xilligan uu yahay safar.

Waa markii ugu horreysey ee C/xakiim C/llaahi Camey uu Gaalkacyo soo gaaro tan iyo markii loo doortay madaxweyne ku-xigeenka Puntland 08-dii, Jannaayo 2014. Madaxweyne C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa isna dhowaan lagu wadaa inuu booqasho ku tago gobolka Mudug, gaar ahaan magaalada xarunta ah ee Gaalkacyo.


Iimaan Maxamed,Hiiraan Online
[email protected]
Gaalkacyo, Soomaaliya