4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 19, 2014
Burcadbadeedda Soomaaliya oo Afduub ku qabsaday Markab Ganacsi

Axad, Janaayo 19, 2014 (HOL) — Burcad badeedda Soomaalida ayaa markabkii ugu horeyey ku qafaashay xeebaha Soomaaliya tan iyo intii la guda galay sanadka cusub ee 2014, waxaana markabkan oo lagu magacaabo MV Marzooqah iyo shaqaalihii saarnaa uu iminka gacanta ugu jiraa kooxihii afduubtay.

“Hadda waxaan isku dayaynaa inaan markabka dib u soo bad-baadino ,isla markaana aan ogaanno  kooxaha haysta waxa ay dalbanayaan,” ayuu yiri madaxa barnaamijka gacansiinta bad-maaxiyiinta geeska Afrika Andrew Mwangura oo la hadlayay Reuters, mana uusan xusin wadanka laga leeyahay markabkaas.

Waxaa kaloo Mwangura uu sheegay in markabkan ay saarnayan bad-maxiin u kala dhashay dalalka Hindiya, Masar iyo waliba Suuriya, waxaana sanadkii 2011 uu ka bad-baaday isku day afduub oo burcaddu ay doonayeen inay ku qafaashaan.

“Burcadda afduubatay tiro ahaan waxa ay gaarayaan hadii la qiyaaso sideed ilaa sagaal ruux oo ku hubaysanaa hub halis ah “ayuu hadalkiisa ku daray Mwangura,isagoo xusay in markabka lala soo aaday  xeebaha Koonfureed ee Soomaliya.

War  ka soo baxay xafiiska howlgalka maraakiibta Midowga Yurub ee xeebaha Soomaaliya ayaa lagu sheegay in markabkan oo nooca xamuulka qaada ah lagu weeraray meel ka fog halka ay ciidamadaas  howl-galka u joogaan kana tirsan badda cas.

Afhayeen u hadashay (EU NAVOR) oo lagu magacaabo Jacqueline Sherriff ayaa sheegtay in dadaal badan lagu bixi doono sidii markabkaabkaas iyo shaqaalaha saaran ay xoriyadooda dib ugu heli lahaayeen maalmaha soo socda.

Burcad badeedda Soomaaliya ayaa afduubtay maraakiib dhan 176 markab ilaa iyo sanadkii 2011-ka 36 kamid ah tiradaas waxa la afduubay sanadkii 2012 ,halka tiro aan aad u badnayd la qafaashay sanadkii tagay ee 2013-ka.

Faysal Mohamed Hassan
[email protected]