3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 19, 2014
Wadahadallada Somaliland iyo Soomaaliya oo Maanta soo Xirmaya
Axad, Janaayo 19, 2014 (HOL) —Waxaa maanta lagu wadaa in uu soo idlaado wejiga saddexaad ee wada-hadalladii Soomaaliya iyo Somaliland dhowrkii maalmood ee lasoo dhaafay uga soconayey magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.

Ajandeyaasha wejiga saddexaad ee wada-hadalka waxaa ugu mihiimsanaa: qiimeynta waxa ka hirgalay qodobbo ay labada dhinac horay ugu heshiiyeen iyo weliba sidii la isula jeexi lahaa tubta loo raacayo wada-hadalka iyo qodobada laga arrinsan doono mustaqbalka dhow.

Ergooyinka labada dhinac uga qayb gelaya shirarka ka socda Istanbul waxaa kala hoggaaminaya wasiirka amniga qaranka ee Soomaaliya C/xakiim Xuseen Guuleed iyo weliba wasiirka arrimaha dibadda ee Somaliland Maxamed Biixi Yoonis.

C/xakiim Xuseen Guuleed oo la hadlay warbaahinta caalamiga ah ayaa rajo wanaagsan ka muujiyey wada-hadallada, isagoo tilmaamay in dhankooda ay ka go'an tahay inay tanaasul badan sameeyaan.

Dhanka kale, Maxamed Biixi Yoonis ayaa sheegay in waxyaabo badan laysku afgartay haseyeeshee qadiyadda gooni isu-taagga Somaliland ay tahay mid aan miiska saarneyn taas oo marna aan gorgortan laga geli doonin.

Dadka Soomaaliyeed iyo kuwa Somaliland ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay wada-hadallada u socda Somaliland iyo Soomaaliya oo soo bilowday xilligii ay dalka ka jirtey dowladdii kumeel gaarka ahayd ee uu hoggaaminayey Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed.

Gelinka dambe ee maanta ayaa lagu wadaa in lasoo saaro war-murtiyeed ka hadlaya qodobada ay labada dhinac ku heshiiyeen. Wixii ka soo kordha dib ayaan idiinka soo gudbin doonnaa haddii uu Eebe ogolaado.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya












Click here
1/19/2014 1:02 PM EST
Axad, Janaayo 19, 2014 (HOL) — Wasiirka amniga Qaranka dowladda Somalia, C/kariin Xuseen Guuleed iyo wasiirka arrimaha dibadda Somaliland, Maxamed Biixi Yoonis oo kala hoggaaminayay wafdiyadii dowladda Somalia iyo Somaliland ayaa ka warbixiyay heshiiskii ay maanta ku kala saxiixdeen magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga.

1/19/2014 12:01 PM EST
Axad, Janaayo 19, 2014 (HOL) — Booliiska Somaliland ayaa sheegay inay u taxaabeen xabsiga nin tooreey ku dhaawacay Sheekh Maxamed Haybe oo ka mid ah culummada Somaliland, xilli uu kasoo baxay habeen hore muxaadaro ku saabsanayd dhalashada Nebi Muxammed (NNKH) oo uu ka jeedinayay masaajid ku yaalla magaalada Hargeysa.

1/19/2014 11:43 AM EST
Axad, Janaayo 19, 2014 (HOL) — Ugu yaraan 21-qof oo ay ku jiro haweeney Soomaali ah oo haysata dhalashada Mareykanka ayaa ka dhacya magaalada Kabul ee caasimadda dalka Afgaanistaan Jimcihii lasoo dhaafay sida ay sheegeen mas’uuliyiinta dowladda dalkaas.

1/19/2014 9:52 AM EST
Axad, Janaayo 19, 2014 (HOL) — Guddiyada joogtada ah ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta kulan ay ku yeesheen magaalada Muqdisho waxay ku go’aamiyeen in berri oo Isniin ah la horkeeno baarlamaanka xukuumadda cusub ee uu dhawaan soo dhisay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, C/weli Sh. Axmed Maxamed.

1/19/2014 9:31 AM EST
Axad, Janaayo 19, 2014 (HOL) — Dowladda Somalia iyo Somaliland ayaa heshiis hordhac ah maanta ku kala saxiixday magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga, kaddib wadahadallo saddex maalmood qaatay oo ay halkaas ku yeesheen.

1/19/2014 8:49 AM EST
Axad, Janaayo 19, 2014 (HOL) — Wafdi ballaaran oo uu horkacayo ra'isul wasaarihii hore ee Soomaaliya Prof: Cali Max'ed Geedi ayaa maanta kasoo dagay garoonka diyaaraha magaalada Kismaayo, iyadoo wafdigan uu kasoo kicitimay magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya.

1/19/2014 8:36 AM EST
Axad, Janaayo 19, 2014 (HOL) — Kulan looga arrinsanayay sidii loo taageeri lahaa dadkii ku waxyeeloobay dab dhashay qarax ka dhacay guri ay dad Soomaaliyeed iyo qoomiyado kale deggenaayeen oo ku yaalla magaalada Minneapolis, iyadoo qaybta hoose ee guriga uu ku yaallay dukaan aad looga ganacsan jiray loona yaqaanay Utanga Halal Market oo bishan billwogeedii uu dab qabsaday.

1/19/2014 8:35 AM EST
Axad, Janaayo 19, 2014 (HOL) — Waxaa dib-u-dhac uu ku yimid safar uu maanta ku tagi lahaa magaalada Kismaayo madaxweyne ku xigeenka Puntland, C/xakiim C/llaahi Cumar (Camey) iyo wafdi uu hoggaaminayo oo Gaalkacyo soo gaaray.

1/19/2014 7:01 AM EST
Axad, Janaayo 19, 2014 (HOL) — Maddaxweynaha Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamud ayaa maanta waraaqihii aqoonsiga ka guddoomay safiirka cusub ee dalka Japan u fariisanaya Soomaaliya, Tatsushi Terada.

1/19/2014 6:05 AM EST
Axad, Janaayo 19, 2014 (HOL) — Burcad badeedda Soomaalida ayaa markabkii ugu horeyey ku qafaashay xeebaha Soomaaliya tan iyo intii la guda galay sanadka cusub ee 2014, waxaana markabkan oo lagu magacaabo MV Marzooqah iyo shaqaalihii saarnaa uu iminka gacanta ugu jiraa kooxihii afduubtay.

1/19/2014 6:01 AM EST
Axad, Janaayo 19, 2014 (HOL) — Magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa maanta lagu soo rogay bandow, iyadoo la joojiyay gabi ahaan isku socodka gaadiidka, dadka iyo ganacsiga guud ee magaalada.

1/19/2014 4:21 AM EST
Axad, Janaayo 19, 2014 (HOL) —Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug waxaa goor dhow soo gaarey wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo madaxweyne ku-xigeenka Puntland C/xakiim C/laahi Cumar (Camey).

1/19/2014 1:37 AM EST
Axad, Janaayo 19, 2014 (HOL) —Waxaa magaalada London ee xarunta dalka Ingiriiska ku geeriyoodey weriye caan ahaa oo ka tirsanaa BBC-da qaybta layska arko ee la hadasha caalamka.

1/19/2014 12:41 AM EST
Axad, Janaayo 19, 2014 (HOL) —Kulan ay isugu yimaadeen ganacsatada reer Puntland oo ka dhacay Rugta Ganacsiga iyo Wershedaha ee Puntland, ayaa waxaa si diirran loogu soo dhoweeyey islamarkaana hambalyo loogu diray madaxweynaha iyo madaxweyne ku-xigeenka cusub ee Puntland.