4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 18, 2014
Gabdho u Shaqeynayay Hay’ad Samafal oo lagu Qafaaashay G/Bay

Sabti, Janaayo 18, 2014 (HOL) — Saddex gabdhood oo u shaqeynayay hay’adda maxaliga ah ee GREDA oo wada-shaqeyn la leh hay’adda NRC ayaa maanta lagu qafaashay deegaanka Goof-gaduud Shabeelow ee gobolka Bay.

Warar ayaa sheegaya in haweenkaas oo la sheegay inay howlo caafimaad ka  wadeen deegaankaas oo ay ku sugan yihiin ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay gacanta ku dhigeen xoogag taageersan Al-shabaab.

Mid ka mid ah gabdhaha la afduubtay oo la yiraahdo Sucaado Ibraahim Bayow ayaa aabaheed Ibraahim Bayow waxuu guddoomiye degmo ka ahaan jiray magaalada Baydhabo.

Labadii toddobaad ee lasoo dhaafay ayaa sidan oo kale shaqaale caafimaad oo u shaqeynayay hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO looga afduubay duleedka degmada Buurhakaba ee gobolka Bay iyo degmada Waajid oo ka tirsan gobolka Bakool.

Sidoo kale, wararka ayaa waxay sheegayaan in Al-shabaab ay gacanta ku hayaan 16 qof oo u shaqeynayay hay’ado samafal, kuwaasoo laga kala afduubay gobollada Bakool. Bay iyo Jubbada dhexe, waxayna intooda badan u shaqeynayeen ha’yadaha WHO iyo BISHA CAS.

Al-shabaab ayaa ku eedeeya hay’adaha gargaarka inay faraha kula jiraan howlo aanay shaqo ku lahayn, sida inay xogo bixiyaan, taasoo ay dhowr jeer uga digtay hay’adaha samafalka, loona maleynayo in arrintaas ay la xiriirto afuuubyada ay u geysanayaan shaqaalaha samafalka.

Dhanka kale, Al-shabaab ayaa dhawaan soo saaray amar ay ku sheegayso in ay Internet-ka ka jarayaan gobollada Koonfureed ee Soomaaliya gaar ahaan deegaannada ay ka talinayaan.

Hiiraan Online, Baydhabo