4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 18, 2014
Haween kasoo Horjeestay habka loo Magacaabay Golaha Wasiiradda


Sabti, Janaayo 18, 2014 (HOL) — Kulan maanta ka dhacay xarunta ururka horumarinta haweenka Soomaaliyeed ee SWDC oo ay ka qaybagleen qaar ka mid ah haweenka Soomaaliyeed ayaa waxaa looga soo horjeestay qaabka loosoo magacaabay golaha wasiirada cusub ee Soomaaiya.

“Golahii wasiirrada xukuumaddii hore ee Saacid  oo ka koobnayd 10 wasiir  waxaan ka helney laba wasiir oo wasaarado muhiim ah loo dhiibay, waxaan haatan filaynay in intaas ka badan aan ka helo golaha wasiirrada cusub ugu yaraan 18 wasiir, maadaama ay yihiin 55 wasiir taasna ma dhicin,” ayay tiri Xaliimo Ismaaciil Ibraahim (Xaliimo Yareey) oo intaas raacisay.

“Haween dadaal u galay in xubno ka noqdaan golaha wasiirrada ayaa dheg jeleq loo siin waayay codsiyadooda, marka waxaan madaxda dowladd ka codsanaynaa inay  ka dhabeeyaan ballan-qaadkoodii  hore ee ahaa inay xubno badan ay haweenku ku yeelan doonaan dowaldda Soomaaliya.”

Sidoo kale, Sahro Axmed Maxamed oo iyana ka hadashay kulankaas ayaa sheegtey in haweenka Soomaaliyeed aysan xaquuqdii ay doonayeen ka helin dhammaan dowladihii dalka soo maray; waxayna  madaxweynaha, ra’iisul wasaaraha iyo gudoomiyaha baarlamaanka ka codsatay in guddiyadda heer Qaran ee la dhisayo ay haweenka Soomaaliyeed  ku yeeshaan xubno badan maadaama lagu qadiyay baarlamaankii la dhisay iyo golaha wasiirrada ee uu dhawaan soo magacaabay raiisul wasaaraha.

Haweenka Soomaaliyeed ayaa iyagu xubno aan sida u buurneyn ku yeeshay baarlamaankii federaalka oo lagu dhisay magaalada Muqdisho  sidoo kale waxay xubno aad u yar ka heleen baarlamaanka Puntland oo ka koobnaa 66 xildhibaan kuwaasoo ay ka yihiin laba xubnood oo keliya.

Kulanka haweenka ay ku yeesheen Muqdisho ee ay uga hadleen habka loo soo magacaabay golaha wasiirrada ayay ku sheegeen inuu yahay mid ay dunida ku ogeysiinayaan cabashadooda iyo sidii haweenka Soomaaliyeed ay u heli lahaayeen xaquuqdooda siyaasadeed.



Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya