4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 18, 2014
Gurmadka dadkii Roobabku Cayreeyeen oo soo idlaaday (SAWIRRO)

Sabti, Janaayo 18, 2014 (HOL) —Waxaa soo gaba gaboobay ololihii xoolaha loogu uruurinayey dadkii reer guuraaga u badnaa ee ku cayroobey duufaannadii ka dhacay Puntland  iyadoo xoolo gaaraya 11kun oo neef loo qaybshay qoysas gaaraya 656 kuwaasi oo xaadir ahaa halka lagu qaybinayay xoolaha oo ah duleedka degmada Qarxis oo ka tirsan gobolka Nugaal.

Xafladda lagu soo afmeerayey ololaha xoolo qaybinta, waxaa kasoo qayb galay culimaa'uddiinka, mas'uuliyiinta ugu sareeya dowladda Puntland, madaxweynihii hore, isimmo, cuqaal, ganacsato iyo dhamaan dadka Deegaanka Qarxis.

Sheekh Maxamuud Xaaji Yuusuf oo ah guddoomiyaha guddiga loo xil saaray qaybinta xoolaha, ayaa sheegay in gurmad ururinta ay bilaabeen maalintii musiibadu dhacday oo ku beegnayd 11-11-2013 ayna soo gabagabeeyeen 17-1-2014 "12kii iyo 13kii December ee sanadkii aynu soo dhaafnay isla meeshaan meel ku dhaw waxaa lagu qaybiyay ari 15-800 oo Neef ah (shan iyo toban kun iyo sideed boqol oo neef ah) arigaasi waxaa loo qaybiyay qoysas gaaraya 672 iyadoo 516 ka mid aha la siiyay neefaf gaaraya 50, 156 ka mid ah qoysaskaasna la siiyay ilaa 60 Neef,sidoo kale bishan bilowgeedii waxaa raashin culimada kasoo gaaray dalka Kuwait loo qaybiyay qoysas gaaraya 3000 oo reer, Maanta Wajigii 2baad ayaanu isugu nimid inaan qaybino Ari gaaraya 10,835 neef" Sheekh Maxamuud ayaa yiri.

Sheekh Daahir Aw-Cabdi ayaa ka mid ahaa sidoo kale culimadii madasha ka hadashay, sheekhu wuxuu ka sheekeeyey waddadii loo soo maray in xoolahan loo qaybiyo dadka u baahan, wuxuuna aamaan gaar ah usoo jeediyay Hay’ada Alminhaaj oo barnaamijkan kaalinta 1aad kaga jirtay hirgelintiisa, wuxuu sidoo kale xusay in  culimadu ay weli ka dhursugayaan ballan qaadkii dowladda Soomaliyeed ee ahaa in ay hal milyan soo gaarsiin doonto dadkii ku cayroobey roobabkii qabowga iyo dabeylaha watey.

HALKAN KA DAAWO SAWIRRO BADAN

Suldaan Siciid Maxamed Garaase iyo Islaan Ciise Islaam Maxamed ayaa meesha ka duceeyey iyagoo dadka xoolaha loo qaybiyey ugu baaqay in ay iimaansadaan intii ay heleen, waxay sidoo kale u mahadceliyeen  culimada gaar ahaan hay'adda khayriga ah ee Alminhaaj, wasaaradaha ka qayb galay iyo dhammaan intii gacan ka geysatey.

Madaxweynihi hore ee Puntland C/raxmaan Faroole oo madasha ka hadlay, wuxuu sheegay in hawlihi la qabtay ay xukuumadiisu horseed ka ahayd culimaduna ay kaalin fiican ka qaateen, maadaama ay iyagu mas'uul ka ahaayeen qaybinta iyo ururinta deeqaha ku socda dadka ay duufaantu cayraysey ee ka imaanayey gobollada dalka iyo guud ahaan caalamka.

Madaxweynaha Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas oo xafladda soo xiray ayaa ku ammaanay Madaxweynihii hore go’aankii uu qaatay xilligii gurmadka uu socday isagoo amar ku bixiyay inaan dadka laga soo barakicin deegaanada ay joogaan ee loo sameeyo xoolo-goyn iyo dib-u-dajin fikirkaas oo noqday fid dhaqan galay si weynna loosoo dhoweeyey.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya