4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 18, 2014
Colaad ka Taagnayd Gobolka Sool oo heshiis laga gaaray (SAWIRRO)


Sabti, Janaayo 18, 2014 (HOL) — Waxaa maalmahan ka socday waqooyiga gobolka Sool dadaallo lagu dhex-dhexaadinayo beelo uu dagaal ku dhex-maray deegaanka Docolaha, iyadoo lagu guuleystay in heshiis laga gaaro colaaddaas lana kala qaado ciidamadii dagaalamay.

Howsha dib u heshiisiinta ah ayaa waxay ka dhacday tuulada Jidhaan-buul oo 100-km Waqooyi kaga beegan magaalada Laascaanood, iyadoo labada dhinac ay ku heshiiyeen in nabadda la gunto oo ciidamada la kala qaado, kaddibna la isugu yimaado kulan wixii dhacay lagaga arrinsanayo.

Wafti uu horkacayay wasiirka arrimaha gudaha maamulka Somaliland, Cali Maxamed Waran-cadde ayna ka mid ahaayeen wasiirto, wasiir ku xigeenno, xildhibaano, madax-dhaqameed iyo wax-garad oo howsha dib u heshiisiinta ah waday ayaa ballanqaaday inay la ilaalin doonaan sugida nabada labada beelood iyo sidii loo fulin lahaa heshiisyada la gaaray.

Culummada ayaa iyagu si weyn uga hadlay nabadda iyo diintu waxay ka qabto, dilka qof muslin ah iyo ciqaabta sugaysa ruux dila ruux muslim ah iyo ka kaalmeeya iyo dhaarta oo fulinteedu tahay mid sharci ah qofkii jabiyana uu sugayo ciqaab adduun iyo mid aakhiraba.

Labada dhinaca ayaa ballan-qaaday inay fulinayaan nabada la guntay iyadoo laga dhaariyay labada dhinac 50 waayeel ah inay daacad ka yihiin heshiiska, waxayna labada dhinacba dadka hortooda ka qireen inay fulinayaan wixii la isla qaatay oo ahaa soo cilinta walaalnimadii iyo wada-noolashihii hore.

Kumannaan dad ah oo ka kala yimi deegaano kala duwan ayaa isugu yimid tuulada Jidhaan-buul kuwaasoo dhamaantood u socday sidii ay qayb uga noqon lahaayeen isku soo jiidka labada beelood ee walaalaha ah ee colaadda ay afarta qof ku dhinteen dhexmartay.

Sannadkii aan soo dhaafnay ayay ahayd markii gurmad kan oo kale ah deegaannadaas lagu qabtay, kaddib markii laba beelood oo walaalo ah ay colaaddan oo kale dhexmartay taasoo lagu guulaystey soo afjarideeda.



Seynab Cabdi Warsame, Hiiraan Online
[email protected]
Laascaanood, Gobolka Sool