4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 18, 2014
Gaas oo sheegay inay dowladda ka sugayaan lacagtii ay balanqaaday

Sabti, Janaayo 18, 2014 (HOL) — Madaxweynaha cusub ee Puntland, C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa hadal uu jeedinayay ku sheegay inay wali Puntland ka dhowrayso dowladda faderaalka Soomaaliya ballan-qaadkii halka milyan ee doollar ahaa oo ay u ballanqaadday Puntland markii deegaanno ka mid ah Puntland ay ku dhufatay duufaanta sannadkii hore.

Gaas, wuxuu xusay inay kula xisaabtami doonaan madaxda dowladda dhexe halka milyan ee ay u ballan-qaadeen qoysaska cayroobay, wuxuuna sheegay wixii la ballan-qaaday inay xilligan ay u baahan yihiin dadka dhibaateysan.

Sidoo kale, wuxuu hadalkiisa ku daray in wali shacabka dhibaataysan ee Puntland ay soo eegayaan dhinaca dowladda faderaalka Soomaaliya oo ay u baahan yihiin gar-gaarkii loo ballanqaaday.

"Dowladda faderaalka waxay horray u ballan-qaaday inay hal milyan oo doollar ay soo dirayso Puntland si loo caawiyo dadkii ay dhibaatadu kasoo gartay roobabkii da'ay, balse wali ballan-qaadka lagama hayo, waxaana u sheegeynaa inaan kula xisaabtami doonno balanta ay qaadeen maadaama xilligan la jooga waqtigii ay dadkaan u bahnaayeen caawin iyo dib u dajin," ayuu yiri madaxweynaha Puntland C/wali Gaas.

Hadalka madaxweynaha Puntland ayaa kusoo beegmaya xilli dowladda faderaalka Soomaaliya ay horay shaaca uga qaadday inay Puntland ugu deeqday lacag dhan hal milyan oo doollar, lacagtaaso loogu talo-galay in wax loogu qabto dadka ay dhibaatadu kasoo gaartay roobab baaxad leh oo ka da'ay dhulka xiga xeebaha.

Iimaan Maxamed,Hiiraan Online
[email protected]
Gaalkacyo, Soomaaliya