4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jan 17, 2014
Booliska Kenya oo sheegay inay qabteen xubno laga shakisan yahay

Jimco, Janaayo 17, 2014 (HOL) — Booliiska Kenya ayaa maanta oo Jimco ah sheegay inay ku qabteen deegaanka Kiunga oo 15-km u jira soohdinta ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya ay wadaagaan lix qof oo doonayay inay si dhuumaaleysi ah uga tallaabaan Somalia si ay ugu biiraan Al-shabaab.

Taliyaha booliiska deegaanka Lamu, Samson Obara ayaa sheegay inay war hoose ku heleen in xubnahan oo ka yimid magaalada Mombasa oo la socday bas rakaab waday ay doonayeen inay ka tallaabaan soohdinta.

“Ciidamadeennu waxay ku guuleysteen inay helaan warka lixdaan ruux ee doonayay inay ka gudbaan soohdinta gacantana lagu dhigay, balse weli waxaa ku socda baaritaanno inta aan maxkamad la horgeyn,” ayuu yiri Obara.

Saraakiil booliiska ka tirsan ayaa sheegay in dhallinyaradan ay da’doodu u dhexeyso 16 jir illaa 18 jir, iyagoo markii la qabtay sheegay inay doonayeen inay kasoo kalluumeystaan xeebaha Soomaaliya.

Lixda ruux ayay booliisku magacyadooda ku kala sheegeen: Faraj Fahim Swaleh, Twafiiq Swaleh, Nabil Mohammed Lali, Fara Abdi Kassim iyo Mohammed Abdalla, kuwaasoo haatan ku xiran saldhig booliisku leeyahay.

Booliisku waxay sheegeen in lixdan dhallinyarada ah ee ay qabteen ay ku jiraan kuwo ajaanib ah oo tababar kal hore tababar kusoo qaatay gudaha Soomaaliya, loogana shakisan yahay inay fuliyeen weerarro horay dalka Kenya uga dhacay.

Samson Obara ayaa sheegay in laba ruux oo midkood uu Kenyan yahay laguna magacaabo, Fuad Abubakar Manswad iyo ruux Jarmal ah ay ka dambeeyaan dhallinyarada Al-shabaab looga qoro gudaha dalka Kenya.

Ciidamada booliiska Kenya ayaa xilliyadii ugu dambeeyay howlgallo lagu ilaalinayo soohdinta ay wadaagaan Kenya iyo Soomaaliya ka sameynayay inta u dhexeysa deegaanka Kiunga iyo Dhadhaab, halkaasoo la rumeysan yahay inay ka tallaab xoogagga Al-shabaab ee weerarra Kenya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya