4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jan 17, 2014
Kenya oo sheegtay inay dishay Hogaamiyeyaal A-shabaab ka Tirsan

Jimco, Janaayo 17, 2014 (HOL) — Dowladda Kenya ayaa sheegtay maanta oo Jimco ah in duqeyn ay diyaaradahooda dagaalku toddobaadkii tagay ka geystay deegaanka Birta-dheer ee gobolka Gedo ku dishay 57 xubnood oo Al-shabaab ka tirsanaa, kuwaasoo ay ku jireen lix hoggaamiye oo ajnabi ah.

Xukuumadda ayaa sheegtay in ilo sirdoon oo ku sugan Soomaaliya ay shalay oo Khamiis ahayd xaqiijiyeen in duqeynta lagu dilay saraakiil magacyadooda lagu kala sheegay: Imran Abu Jilali oo u dhashay dalka Bakistaan, Shabdalla Al-Manzur oo u dhashay Masar, Alakim Nurala oo Suudaaniis ahaa, Abdul Hakim Mohamud oo ahaa hoggaamiyaha Al-Qaacida ee dalka Yemen iyo Shukri Bin Khalifa oo isuguna Yemeni ahaa.

Sidoo kale, Kenya waxay sheegtay in sidoo kale duqeynta lagu dilay Al Amud Bin Ibrahim oo ah sarkaal sare oo Al-shabaab ka tirsanaa daacadna u ah hoggaamiyaha kooxda Axmed Godane iyo Fara-dheere. Iyagoo sheegtay in weerarka lagu bartilmaameedsanayay Axmed Godane balse uu ka tagay goobta nus saac ka hor.

“Axmed Godane wuxuu ahaa bartilmaameedkeenna ugu weyn balse nasiib-wanaag wuu ka baxsaday duqeynta. Wuxuu goobta ka tagay daqiiqado ka hor intii aysan duqeyntu dhicin,” ayaa lagu yiri warka ka soo baxay Kenya.

Warka ayaa sidoo kale lagu sheegay in hoggaamiyaha Al-shabaab uu goobta u joogay isbedel lagu sameynayo maamulka Al-shabaab. Iyagoo warkooda ku sheegay in Gacma-dheere Maxamed oo kasoo jeeda magaalada Gaarisa ee gobolka Waqooyi-bari ee Kenya lagu dhaawacay weerarka, kaasoo ay ku sheegeen inuu mas’uul ka yahay weerarrada lagu ay Al-shabaab ku qaaddo dalka Kenya.

Dowladda Kenya ayaa xustay in duqeynta dadka lagu dilay ay ku jireen laba ruux oo Kenyan ah oo lagu kala magacaabo, Aadan Abdow iyo Idris Dheere, kuwaasoo ay sheegeen inay qayb weyn ku lahaayeen abaabulka weerarrada ka dhanka ah Kenya ee ay Al-shabaab geysato.

Dhanka kale, warkan kasoo baxay dowladda Kenya ayaa lagu sheegay in duqeyntaas ay ku dhaawacmeen 120 xubnood oo Al-shabaab ka tirsan, sidoo kalena lagu burburiyay shan gaari oo kuwa dagaalka ah iyo saddex bas.

Ugu dambeyn, Kenya waxay sheegtay in weerarkan uu yimid kaddib markii saraakiil ka tirsan Al-shabaab ay Kenya ku wargeliyeen in goobta la weeraray uu dhaq-dhaqaaq kawado hoggaamiyaha Al-shabaab.

Ma jiro hadal kasoo baxay Al-shabaab oo xaqiijinaya sheegashada Kenya in ay run tahay iyo inay been tahay, iyadoo duqeyntan ay ahayd middii ugu horreysay oo diyaaradaha dagaalka Kenya ay ka geystaan gudaha Somalia sannadkan cusub.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya