4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jan 17, 2014
Kulanka Somalia iyo Somaliland oo socda Maalintii labaad (SAWIRRO)


Jimco, Janaayo 17, 2014 (HOL) — Wadahadallada u dhexeeya dowladda Soomaaliya iyo Somaliland ayaa galay maalintii labaad iyadoo aysan jirin wax war ah oo saxaafadda laga siiyay qodobbadii ay labadad dhinac shalay ka doodeen.

Sida ay sheegayaan wararka ku dhow-dhow shirka waxay labada dhinac ka wadahadlayaan qodobbo ka mid ahaa heshiiskii lagu gaaray shirkii July ka dhacay dalka Turkiga, kaasoo wafdiga Somaliland ka socda ay sheegeen in qaar ka mid ah aan weli la fulin.

Kulammada ayaa socon doona illaa maalinta berri ah, iyadoo labada dhinac lagu wado inay soo saaraan qodobbo ay ku heshiiyeen, inkastoo ay aragtiyo aad u kala fog ay qabaan.

Madax wafdiga Somaliland ahna wasiirka arrimaha dibadda ee Somaliland, Maxamed Biixi Yoonis ayaa sheegay in gooni-isku-taagga Somaliland uu yahay mid lama taabtaan ah oo aysan marna ka laabanayn dhankooda.

Dhanka kale, wasiirka amniga Qaranka ee Soomaaliya, C/kariin Xuseen Guuleed oo hoggaaminaya wafdiga dowladda ayaa isagana sheegay inay ka wadahadli doonaan labada wafdi sidii loo heli lahaa Soomaaliya oo mid ah oo ay ka jirto nabadgalyo lagu faani karo.








Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya