4/14/2021
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 16, 2014
Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya oo magacaabay Gole Wasiirro oo ka kooban 25 Wasiir, 25 Wasiir ku xigeen iyo 5 Wasiiru-dowle


Jimco, 17 January 2014(HOL)—Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya C/weli Sheekh Axmed Maxamed ayaa goor dhow ku dhawaaqay golaha Wasiirrada cusub ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, iyadoo Munaasabadda magacaabista Golaha Wasiirrada  ay ka dhacday Xarunta Madaxtooyada Villa Somalia.

 

Ra’isulwasaaraha ayaa tilmaamay in magacaabistan ay ka dambeysay  wadatashi ballaaran oo dhexmaray madaxda sare ee dowladda, isla markaana uu ka ogolaadan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, wuxuuna intaas ku daray in uu ka codsanayo  Xildhibaannada Baarlamaanka in ay ansixiyaan Golaha Wasiirrada.

 

Golaha Wasiirrada ee uu soo magacaabay Ra’isulwasaaraha ayaa ka kooban 25Wasiir, Shan Wasiiru-dowle iyo 25 Wasiir Ku xigeen waxaana magacyadooda ay kala yihiin sidan:-

 

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Mudane C/laahi Goodax Bare

Wasiirka Maalliyadda Mudane Xuseen Cabdi Xalane

Wasiirka Gaashaandhigga Mudane Maxamed Sheekh Xasan Xaamud

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane C/raxmaan Ducaale Beyle

Wasiirka Amniga Qaranka Mudane C/kariin Xuseen Guuleed

Wasiirka Waxbarashada Mudane Axmed Maxamed Guraase

Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Mudane Yuusuf Cali Aamiin

Wasiirka Qorsheynta Mudane Saciid C/laahi Maxamed

Wasiirka Garsoorka iyo Arrimaha Dastuurka Mudane Faarax Sheekh C/qaadir Maxamed

Wasiirka Tamarta iyo Biyaha Mudane Jaamac Axmed Maxamed (Oday)

Wasiirka Warfaafinta Mudane Mustaf Sheekh Cali Dhuxuloow

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulinta Hawada Mudane Saciid Jaamac Maxamed Qoorsheel

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Mudane Nucmaan Sheekh Ismaaciil

Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Mudane Maxamed Ibraaahin Xaaji Aadan

Wasiirka Beeraha Mudane Cabdi Axmed

Wasiirka Sportiga iyo Dhalinyarada Mudane Khaalid Cumar Cali

Wasiirka Hidaha iyo Tacliinta Sare Mudane Ducaale Aadan Maxamed

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Mudane Aadan Maxamed Nuur

Wasiirka Howlaha Guud iyo Dib U Dhiska Eng Nadiifo Maxamed Cusmaan

Wasiirka Haweenka iyo Hormarinta Xuquuqda Aadanaha Khadiijo Maxamed Diiriye

 Wasiirka Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Mudane Maxamed Coloow Baroow

Wasiirka Macdanta Mudane Daa’uud Maxamed Cumar

Wasiirka Xanaanada Xoolaha,Dhirta iyo Daaqa Mudane Saalim Caliyoow Ibroow

Wasiirka Caafimaadka Mudane General Axmed Maxamed Maxamuud

Ku XIgeenka Ra’isulwasaaraha ahna Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Mudane Ridwaan Xirsi Maxamed.

Ugu dambeyntiina, Magacyada Wasiir ku xigeennada iyo Wasiiru-dowlayaasha waan idiin soo gudbin doonnaa Insha Allaah.


Xigasho: Radio Muqdisho

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya












Click here
1/16/2014 4:41 PM EST
Khamiis, Janaayo 16, 2014 (HOL) — Madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni ayaa sheegay markii ugu horreysay in ciidamadiisu ay ka dagalamaayaan, gudaha dalka ay jaarka yihiin ee Koonfurta Suudaan iyagoo gacan siinaya ciidamada dowladda dalkaas ee dagaalka kula jira mucaaradka.

1/16/2014 1:51 PM EST
Khamiis, Janaayo 16, 2014 (HOL) — Warar ay HOL ka heshay xarunta madaxtooyada Soomaaliya ayaa xaqiijinaya in lagu wado in caawa lagu dhawaaqo golaha cusub ee wasiirrada xukuumadda Soomaaliya.

1/16/2014 11:50 AM EST
Khamiis, Janaayo 16, 2014 (HOL) — Guddoonka baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa maanta Muqdisho ku qaabilay safiirrada dowladaha Britain iyo Sweden u fadhiya Soomaaliya, iyadoo gudoonka uu kala hadlay safiirrada sidii ay dowladahooda kaalin ugu yeelan lahaayeen hirgelinta qorshayaasha golaha shacabka ee sannadkan 2014-ka.

1/16/2014 10:56 AM EST
Khamiis, Janaayo 16, 2014 (HOL) — Madaxweynaha dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar oo maalmihii ugu danbeeyay ku sugnaa magaalada London ee dalka Ingiriiska ayaa shirar kala duwan la qaatay qaybaha bulshada ka soo jeedda deegaankaas ,iyaga oo kawada-hadlay arimo dhowr ah.

1/16/2014 10:34 AM EST
Khamiis, Janaayo 16, 2014 (HOL) — Waxaa magaalada Kismaayo laga dareemayaa qaban-qaabo ballaaran oo loogu jiro xafladda caleemo-saarka hoggaamiyaha maamulka KMG Jubba iyo dhaarinta xubnaha golaha wasiirada cusub ee maamulka Jubba, taasoo la filayo in ay dhacdo maalinta isniinta ee fooda nagu soo heeyso.

1/16/2014 7:42 AM EST
Khamiis, Janaayo 16, 2014 (HOL) — Madaxweynaha dhawaan la doortay ee Puntland, C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa maanta markii ugu horreysay la kulmay wasiirradii xukuumaddii ka horreysay ee C/raxmaan Faroole.

1/16/2014 6:32 AM EST
Khamiis, Janaayo 16, 2014 (HOL) — Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland, Maxamed Biixi Yoonis oo hoggaaminaya wafdiga Somaliland uga qaybgalaya wadahadallada dowladda Soomaaliya iyo Somaliland yaa sheegay inaysan ka laabanayn Somaliland gooni-isku-taaggeeda oo uu yahay mid laba taabtaan ah.

1/16/2014 5:42 AM EST
Khamiis, Janaayo 16, 2014 (HOL) — Waxaa goor dhow ka furmay magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga wahadalladii u dhexeeyay dowladda Soomaaliya iyo Somaliland, kaasoo socon doona labada maalmood ee soo socota sida uu sheegay sii hayaha xilka wasiirka arrimaha gudaha ee Soomaaliya, C/kariin Xuseen Guuleed oo hoggaaminaya wafdiga dowladda Soomaaliya.

1/16/2014 1:29 AM EST
Khamiis, Janaayo 16, 2014 (HOL) — Xarakada Al-shabaab ayaa waxay ka warbixisay weerar ay habeen hore ku qaadday degmada Mahadaay ee gobolka Shabeellada dhexe, iyagoo sheegay in dagaalkaas ay ku dileen tiro ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya.

1/16/2014 1:28 AM EST
Khamiis, Janaayo 16, 2014 (HOL) — Ururka Midowga Afrika ayaa sheegay in ciidamada Itoobiya ay si rasmi ah uga mid noqon doonaan dhawaan howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM, taasoo lagu sheegay in lagu kordhinayo tirada ciidamadan.

1/16/2014 1:27 AM EST
Khamiis, Janaayo 16, 2014 (HOL) — Dowladd Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay ka hadashay ajaanibta dalka ku sugna oo qaarkood la afduubay, iyadoo sheegtay in ajnabigii aan dowladda u diiwaan-gashnayn wixii ku dhaca aysan mas’uul ka ahayn.