4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 16, 2014
Caleemo-saarka hoggaanka Maamulka Jubba oo Kismaayo ka socota

Khamiis, Janaayo 16, 2014 (HOL) — Waxaa magaalada Kismaayo laga dareemayaa qaban-qaabo ballaaran oo loogu jiro xafladda caleemo-saarka hoggaamiyaha maamulka KMG Jubba iyo dhaarinta xubnaha golaha wasiirada cusub ee maamulka Jubba, taasoo la filayo in ay dhacdo maalinta isniinta ee fooda nagu soo heeyso.

Gudaha magaalada Kismaayo ayaa manata lagu arkayay dadweeyne fara badan oo isugu jiray rag haween, kuwaasoo ku labisnaa darees ka sameysnaa astaanka calanka Soomaaliya, kuwaasoo diyaar garow ugu jiray xafladda caleemosaarka hogaamiyaha maamulka Jubba iyo dhaarinta golaha cusub ee wasiirada ee la filayo in ay dhawaan ka dhacdo magaalada Kismaayo.

Wasiirka arimaha bulshada ee maamulka Jubba Macalim Max'ed Ibrtahaim oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay meel fiican mareeyso qaban qaabada ku aadan caleemo saarka madaxweeynaha maamulka Jubba, Sheekh Axmed Max'ed Islaam (Axmed Madoobe) iyo weliba dhaarinta golaha wasiirada taasoo la filayo in ay dhacdo 20-ka bishan aynu ku jirno.

Masuulkan ayaa sheegay in sidoo kale la filayo in maalmaha nagu soo aadan lagu dhawaaqo xubnaha ka dhiman golaha wasiirada maamulka Jubba.

Xafladda caleemosaarka iyo dhaarinta golaha cusub ee wasiirada ayaa la filayaa in ay kasoo qeybgalaan madax kala duwan oo ka kala iman doonta qeybo ka tirsan gobollada dalka iyo weliba qaar kamid ah wadamada deriska la ah Soomaaliya.

Sheekh Axmed Max'ed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa loo doortay hogaanka maamulka Jubba bartamihii bishii May ee sanadii tagtay, waxaana dhawaan uu ku dhawaaqay sideed kamid ah golihiisa wasiirada, iyadoona la filayo in maalmaha soo socda uu soo dhameystiro xubnaha ka dhiman wasiirada oo tiradooda lagu qiyaasay 15 wasiir.

Xasan Nuur, Hiriran Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya