4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 16, 2014
Madaxweynaha Puntland oo la kulmay wasiiradii Xukuumadii Faroole

Khamiis, Janaayo 16, 2014 (HOL) — Madaxweynaha dhawaan la doortay ee Puntland, C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa maanta markii ugu horreysay la kulmay wasiirradii xukuumaddii ka horreysay ee C/raxmaan Faroole.

C/wali Gaas ayaa shirka uu la qaatay wasiirradii hore waxaa ku waheliyay madaxweyne ku-xigeenkiisa, Cabdixakiin Xaaji Camey, wuxuuna kulanka ka dhacay xarunta madaxtooyada Puntland.

Labada dhinac ayaa la sheegay inay kawada-hadleen arrimo dhowr ah oo la xiriira sidii ay shaqada u sii wadi lahaayeen wasiirradii hore tan iyo inta lasoo dhisayo xukuumadda cusub ee dhawaan laga sugayo madaxweyne Gaas.

Maxamed Faarax Ciise (Gaashaan) oo ka tirsanaa wasiiradii xukuumaddii Faroole hayana xilka wasiir-u-dowlihii maamul wanaagga Puntland ayaa warbaahinta gudaha uga warramay kulanka dhexmaray madaxweynaha cusub ee Puntland iyo wasiirradii uu isagu ka tirsanaa, isagoo caddeeyay in la isku waafaqay dhammaan qodobbadii laga wada-hadalay.

"Madaxweynaha waxaa uu la shiray wasiiradi hore, waxaana ka hadalnay, arrimo dhowr ah oo ay ugu weynayd sidii wasiirradii hore shaqadooda ay u sii wadi lahaayeen tan iyo inta lasoo magacaabo wasiirrada cusub, waxaana la isla gartay in qof kasta dhinaciisa uu shaqada kasii wado," ayuu sheegay Gaashaan.

Dhinaca kale, madaxweynaha Puntland C/wali Gaas ayaa wali wada shirar iyo kullammo la xiriira wadatashi ku aaddan sidii loosoo dhisi lahaa golaha wasiirrada xukuumadda cusub ee Puntland.

Hadal uu shalay jeediyay madaxweynuhu wuxuu ku sheegay in wasiirrada  uu soo dhisi doono uu kusoo xuli doono aqoon, isla markaana aysan jirin cid gaar ah ama shakhsiyaad qabiil lagu soo xuli doono.

Dhawaan waxaa lugu wada in magaalada Garoowe ay ka qabsoonto xaflad lugu caleemo saarayo madaxweynaha cuusb iyo ku-xigeenkiisa, waxaana xilligan si weyn looga dareemayaa magaalada qaban-qaabada la xiriirta munaasabadaas.

Iimaan Maxamed, Hiiraan Online
[email protected]
Gaalkacyo, Soomaaliya