3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 16, 2014
Dowladda Somalia oo ka hadashay Afduubyada loo Geysto Ajaanibta

Khamiis, Janaayo 16, 2014 (HOL) — Dowladd Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay ka hadashay ajaanibta dalka ku sugna oo qaarkood la afduubay, iyadoo sheegtay in ajnabigii aan dowladda u diiwaan-gashnayn wixii ku dhaca aysan mas’uul ka ahayn.

Sii-hayaha xilka wasiir ku xigeenka wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha dowladda Soomaaliya, Cabdulqaadir Sheekh Ismaaciil ayaa warbaahinta Muqdisho qaarkeed u sheegay in ajaanib fara badan oo aan la ogeyn howlaha ay dalka ka hayaan iyo xilliga ay yimaadeen ay ku sugan yihiin Muqdisho iyo goobo kale oo dalka ka tirsan.

“Ajnabigii ay dhibaato ku dhacdo oo aan diiwaan-gashanayn wixii ku dhaca dowladdu mas’uul kama ahan, waayo dalkan waxaa yimaada ajaanib aan la ogeyn howlaha ay u socdaan, kuwaasoo qaarkood aan fiisooyin qaadan,” ayuu yiri wasiir ku xigeenka.

Sidoo kale, C/qaadir Sheekh wuxuu sheegay in ajanbigii aan is-diiwaan-gelin marka uu dalka yimaado wixii ku dhaca uu isagu mas’uul ka noqonayo oo aysan jirin cid mas’uuliyaddaas qaadaysa.

“Dalalka ay ka socdaan ajaanibta dalka yimaada waan ku wargelinnay inaan mas’uul ka ahayn haddii muwaadinkooda uusan is-diiwaan-gelin marka uu dalka yimaado isla markaana aan howsha ay dalka u imaanayaan lala socon,” ayuu yiri wasiir ku xigeenka.

Hadalka mas’uulkan ayaa wuxuu kusoo beegmayaa iyadoo saddex ruux oo u dhashay dalka Kenya lagu afduubay Muqdisho, kuwaasoo laba ka mid ah la afduubay dhowr casho ka hor. Halka midka kalena uu muddo laba bilood ka badan gacanta ugu jiro kooxo aan la garanayn.

Kenyankan la afduubay ayaa waxay la shaqeynayeen shirkado gaar loo leeyahay, iyadoo aan weli la ogeyn kooxaha afduubkood ka dambeeya, iyadoo saddexdan ruuxba lagu afduubay agagaarka isgoyska Tarabuunka ee Muqdisho.

Ugu dambeyn, wasiir ku xigeenka wasaaradda ganacsiga iyo washadaha ayaa ku wargeliyay ajaanibta imaanaysa dalka inay iska diiwaangeliyaan wasaaradaha howlaha ay u socdaan ku shaqada leh, isagoo xusay inay xerada Xalane ee AMISOM ku sugan yihiin ajaanib badan oo ay horay ugu direen inay is-diiwaan-geliyaan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
1/16/2014 6:56 PM EST
Jimco, 17 January 2014(HOL)—Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya C/weli Sheekh Axmed Maxamed ayaa goor dhow ku dhawaaqay golaha Wasiirrada cusub ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, iyadoo Munaasabadda magacaabista Golaha Wasiirrada ay ka dhacday Xarunta Madaxtooyada Villa Somalia.

1/16/2014 4:41 PM EST
Khamiis, Janaayo 16, 2014 (HOL) — Madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni ayaa sheegay markii ugu horreysay in ciidamadiisu ay ka dagalamaayaan, gudaha dalka ay jaarka yihiin ee Koonfurta Suudaan iyagoo gacan siinaya ciidamada dowladda dalkaas ee dagaalka kula jira mucaaradka.

1/16/2014 1:51 PM EST
Khamiis, Janaayo 16, 2014 (HOL) — Warar ay HOL ka heshay xarunta madaxtooyada Soomaaliya ayaa xaqiijinaya in lagu wado in caawa lagu dhawaaqo golaha cusub ee wasiirrada xukuumadda Soomaaliya.

1/16/2014 11:50 AM EST
Khamiis, Janaayo 16, 2014 (HOL) — Guddoonka baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa maanta Muqdisho ku qaabilay safiirrada dowladaha Britain iyo Sweden u fadhiya Soomaaliya, iyadoo gudoonka uu kala hadlay safiirrada sidii ay dowladahooda kaalin ugu yeelan lahaayeen hirgelinta qorshayaasha golaha shacabka ee sannadkan 2014-ka.

1/16/2014 10:56 AM EST
Khamiis, Janaayo 16, 2014 (HOL) — Madaxweynaha dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar oo maalmihii ugu danbeeyay ku sugnaa magaalada London ee dalka Ingiriiska ayaa shirar kala duwan la qaatay qaybaha bulshada ka soo jeedda deegaankaas ,iyaga oo kawada-hadlay arimo dhowr ah.

1/16/2014 10:34 AM EST
Khamiis, Janaayo 16, 2014 (HOL) — Waxaa magaalada Kismaayo laga dareemayaa qaban-qaabo ballaaran oo loogu jiro xafladda caleemo-saarka hoggaamiyaha maamulka KMG Jubba iyo dhaarinta xubnaha golaha wasiirada cusub ee maamulka Jubba, taasoo la filayo in ay dhacdo maalinta isniinta ee fooda nagu soo heeyso.

1/16/2014 7:42 AM EST
Khamiis, Janaayo 16, 2014 (HOL) — Madaxweynaha dhawaan la doortay ee Puntland, C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa maanta markii ugu horreysay la kulmay wasiirradii xukuumaddii ka horreysay ee C/raxmaan Faroole.

1/16/2014 6:32 AM EST
Khamiis, Janaayo 16, 2014 (HOL) — Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland, Maxamed Biixi Yoonis oo hoggaaminaya wafdiga Somaliland uga qaybgalaya wadahadallada dowladda Soomaaliya iyo Somaliland yaa sheegay inaysan ka laabanayn Somaliland gooni-isku-taaggeeda oo uu yahay mid laba taabtaan ah.

1/16/2014 5:42 AM EST
Khamiis, Janaayo 16, 2014 (HOL) — Waxaa goor dhow ka furmay magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga wahadalladii u dhexeeyay dowladda Soomaaliya iyo Somaliland, kaasoo socon doona labada maalmood ee soo socota sida uu sheegay sii hayaha xilka wasiirka arrimaha gudaha ee Soomaaliya, C/kariin Xuseen Guuleed oo hoggaaminaya wafdiga dowladda Soomaaliya.

1/16/2014 1:29 AM EST
Khamiis, Janaayo 16, 2014 (HOL) — Xarakada Al-shabaab ayaa waxay ka warbixisay weerar ay habeen hore ku qaadday degmada Mahadaay ee gobolka Shabeellada dhexe, iyagoo sheegay in dagaalkaas ay ku dileen tiro ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya.

1/16/2014 1:28 AM EST
Khamiis, Janaayo 16, 2014 (HOL) — Ururka Midowga Afrika ayaa sheegay in ciidamada Itoobiya ay si rasmi ah uga mid noqon doonaan dhawaan howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM, taasoo lagu sheegay in lagu kordhinayo tirada ciidamadan.