4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 15, 2014
Wasiirka difaaca oo ka Hadlay Ciidamada ka socda Dalka Mareykanka

Arbaco, Janaayo 15, 2014 (HOL) — Dowladd Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay ka hadashay ciidammo Mareykan ah oo ku sugan Soomaaliya, kuwaasoo dhawaan ay saraakiil Mareykan ah sheegeen inay ku sugan yihiin Muqdisho.

Sii-hayaha xilka wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya, C/xakiin Maxmauud Xaaji Fiqi ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka warqabto ciidamada Mareykanka ah ee jooga Muqdisho, tiradoodu waa shan sarkaal oo keliya, waxayna yimaadeen bishii Oktoobar ee lasoo dhaafay.

“Runtii shantan sarkaal ee ka socda Mareykanka waan la soconnaa waxayna dalka yimaadeen bishii Oktoobar ee lasoo dhaafay, howshooduna waa inay ka caawiyaan ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM dhincyada howgallada iyo talooyinka,” ayuu yiri Fiqi oo hadlayay VOA-da.

Wasiirku wuxuu sheegay in tani ay tusaale cad u tahay sida ay Mareykanka iyo beesha calaamka uga go’an tahay inay Soomaaliya ka caawiyaan sidii dib logou soo celin lahaa nabadda, isagoo ku tilmaamay arrin aad loogu farxo.

“Joogitaanka saraakiishan muhiimad gaar ah ayay noo leedahay, waayo waa mid gacan naga siinaysa dib u soo celinta ammaanka, isla markaana caddeyn u ah in Mareykanka ay ka go’an tahay caawinta Soomaaliya,” ayuu wasiirku hadalkiisa ku daray.

Dhawaan ayay saraakiil Mareykan ah sheegeen in unugyo ka tirsan askarta Mareykanka ay ku sugan yihiin gudaha Soomaaliya, kuwaasoo howshoodu tahay inay dhinaca howlgallada ka caawiyaan ciidamada dowladda Somalia.

Al-shabaab oo dhankeeda ka hadashay joogintaanka ciidamada Mareykanka ah ayaa sheegtay in markii horeba uusan Mareykanku ka marnayn arrimaha Soomaaliya, balse uu hadda si dhab ah u caddeystay.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya