4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 14, 2014
Madaxweyne Gaas oo si Rasmi ah Xilka ula Wareegay (SAWIRRO)

Talaado, Janaayo 14, 2014 (HOL) — Magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland waxaa maanta ka dhacday munaasabad ay xilalka kula kala wareegayeen madaxweynaha -dhowaanta la doortay- ee Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas iyo madaxweynihii hore C/raxmaan Maxamed Faroole.

Madaxweynihii hore ee Puntland C/raxmaan Faroole oo ugu horreyn madasha ka hadlay, ayaa hambalyo u diray madaxweynaha cusub C/weli Gaas isagoo sheegay inuu si aad ah ugu faraxsan yahay in maanta uu xilka ku wareejyo.

"waxan ku faraxsanahay inaan madaxweynaha cusub ku wareejiyo xafiiska madaxtooyada..." Mudane Faroole ayaa yiri isagoo intaas raaciyey " waxan sidoo kale madaxweynaha ku wareejiyey  liiska ciidamada iyo Mashaariicda qabyada ah ee laga hirgelinayo Punltand oo ay kamid yihiin: garoonka diyaaradaha ee Boosaaso, Garoonka Garoowe, Jaamacadda Maakhir, mashruuca dayac-tirka waddada isku xirta Boosaaso iyo Gaalkacayo iyo mashaariicda kale ee qabyada ah.."

Dhanka kale, Faroole ayaa guul u rajeeyey madaxweynaha cusub C/weli Gaas, isagoo ballan qaaday inuu si hagar la'aan ah ula shaqeyn doono "Waxan u rajeynayaa howshaas culus ee hortaalla in Eebe uu u fududeeyo...waxan ballan qaadayaa wixii aan awoodi karo ama talo ah inaan siiyo anigoo aan noqon doonin mid wax ku qabsada haba yaraatee..."

Ugu dambeyntii wuxuu ugu baaqay dadweynaha reer Puntland in ay midnimadooda ilaashadaan, islamarkaana ay si fiican ula shaqeeyaan dowladda cusub ee shanta sano ee soo socota uu hoggaamin doono C/weli Maxamed Cali Gaas.

Madaxweyne C/weli Gaas oo isna si kooban u hadlay, ayaa sheegay inuu si weyn ugu faraxsan yahay in maanta [Janaayo 14, 2014] uu xilka kala wareego madaxweynihii hore C/raxmaan Faroole.

Mudane Gaas ayaa qiray in uu la wareegay dowlad dhisan oo leh hay'ado shaqeynaya iyo maamul wanaagsan, isagoo taas uga mahad celiyey Madaxweyne Faroole iyo intii lasoo shaqaysay.

"..Waxan qirayaa in maanta ay Puntland leedahay dowlad rasmi ah oo xoog leh, oo maamul leh, oo ciidan leh oo hay'ado shaqeynaya oo dastuuri ah leh, taasna mahaddeeda waxaa iska leh madaxweynaha iyo intii lasoo shaqeysay..." Madaxweyne Gaas ayaa sidaas yiri.

Gaas ayaa gabagabadii sheegay inuu si dhow ula shaqeyn doono madaxweynihii hore maadaama uu xog-ogaal yahay, aqoon iyo waayo aragnimo badanna uu u leeyahay xaaladda guud ee Puntland ay xilligan ku sugan tahay.

Xaflad lagu caleema saarayo madaxweynaha iyo madaxweyne ku-xigeenka cusub ee Puntland ayaa isla magaalada Garoowe ka dhici doonta 24-ta bishan aynu ku jirno ee Janaayo.




Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya