4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 14, 2014
Maxkamad diidday Rafcaan uu dalbaday Jen. Maxamed Cali Samatar

Talaado, Janaayo 14, 2014 (HOL) — Maxkamadda sare ee gobolka Virginia ayaa diidday rafcaan uu xukun horay loogu diray ka dalbaday madaxweyne ku xigeenkii hore ee Soomaaliya, Jen. Maxamed Cali Samatar.

Maxkamadda ayaa sheegtay in madaxweynihii hore laga doonayo inuu bixiyo 21-milyan oo doollar oo mag-dhow ahaan loo siinayo dad sheegay in xilligii uu xilka ka yahay Soomaaliya uu dhibaatooyin u geystay ehelladooda.

Jen. Samatar ayaa waxaa sannadihii u dambeeyay ku socday dacwad ay ku soo oogeen dhallinyaro Soomaaliyeed oo qaarkood sheegay in waalidkood lagu dilay Muqdisho xilligii ay jirtay dowladdii milateriga ahayd ee uu ka tirsnaa Samatar.

Maxkamadda federaalka ah ee dalka Mareykanka ayaa ku heshay Jen. Samatar dacwooyinkii lagu oogay oo ahaa kuwo ka dhan ah xuquuqda bani’aadamka, markaasoo la dul-dhigay gaxaana lacageed, inkastoo uu isagu beeniyay dhammaan eedeymihii loosoo jeediyay.

Jen. Maxamed Cali Samatar ayaa wuxuu intii ay jirtay dowladdii hore ee milateriga ahayd uu soo qabtay xilalka madaxweyne ku xigeenka koowaad, wasiirka gaashaandhigga iyo ra’iisul wasaare, wuxuuna markii uu burburku dhacay uu u guuray dalka Mareykanka halkaasoo uu ku noolaa.

Samatar oo hadda ay da’diisu tahay 77 sano ayaan la ogeyn go’aanka uu qaadan doono, mar haddii maxkamadda sare ee Mareykanka ay diidday inay ka ogolaato rafcaan uu ka dalbaday xukunkii horay loogu riday.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya