3/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 14, 2014
Al-shabaab oo u Digtay Shacabka Muqdisho iyo Kenyan la Afduubay

Talaado, Janaayo 14, 2014 (HOL) — Xarakada Al-shabaab oo dagaal kula jirta dowladda Soomaaliya iyo ciidamada AMISOM ayaa shacabka Muqdisho uga digtay inay u dhawaadaan xarumaha dowladda iyo kuwa hay’aduhu ay daggan yihiin. Iyadoo sidoo kale Muqdisho lagu afduubay laba ruux Kenyan ah.

Wakiilka gobolka Banaadir ee Al-shabaab, Sheekh Cali Maxamed Xuseen ayaa ku sheegay digniinta inay qorsheynayaan inay weerarro la beegsadaan xarumaha ay daggan yihiin hay’adaha gargaarka iyo kuwa dowladda Soomaaliya.

“Shacabka Muqdisho ku nool waxaan uga digaynaa inay tagaan ama ay u dhawaadaan xarumaha ha’yadaha iyo kuwa dowladda Soomaaliya,” ayuu yiri Sheekh Cali oo wareysi siinayay warbaahinta ku hadasha afka Al-shabaab.

Dingiintan ayaa waxay noqonaysaa tii labaad oo ay Al-shabaab shacabka ku nool Muqdisho u jeediyaan, iyadoo la xusuusto in bishan billowgeedii laba gaari oo waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay lagu weeraray hotel Al-jasiira, kuwaasoo ay ku dhinteen ku dhawaad 11-qof oo ay ku jireen saraakiil sare oo ka tirsan booliiska Soomaaliya.

Al-shabaab ayaa tan iyo markii isaga baxeen Muqdisho laba sano ka hor waxay ka fulinayeen falal isugu jira dilal qorsheysan iyo qaraxyo, kuwaasoo qaarkood ay la beegsadeen xubno dowladda ka tirsan iyo xarumaha ay ku leeyihiin Muqdisho hay’adaha samafalka.

Dhanka kale, kooxo hubeysan oo aan haybtooda la garanayn ayaa shalay ka afduubay Muqdisho laba nin oo Kenya ah, kuwaasoo la sheegay in Muqdisho ay u joogeen howlgelin kaalimo shidaal.

Kooxaha afduubka geystay oo la sheegay inay xirnaayeen direyska ciidanka dowladda Soomaaliya ayaan la ogeyn cid ay ka tirsnaayeen iyo sabab ay u afduubeen labadan qof ee Kenyanka ah.

Ma jiro hadal weli kasoo baxay dowladda Soomaaliya oo ku saabsan labada nin ee la afduubay iyo cid weli sheegatay inay mas’uul ka tahay afduubka labadan qof ee ajnabiga ah loogu geystay Muqdisho.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
1/14/2014 8:09 AM EST
Talaado, Janaayo 14, 2014 (HOL) — Kulan ay xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya ku yeesheen Muqdisho ayaa lagu diiday mooshinkii wasiiradii xukuumadii Saacid laga keenay, kadib markii mooshin kaas kasoo horjeeda ay baarlamaanka horgeeyeen 12 xildhibaan.

1/14/2014 4:30 AM EST
Talaado, Janaayo 14, 2014 (HOL) — Magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland waxaa maanta ka dhacday munaasabad ay xilalka kula kala wareegayeen madaxweynaha -dhowaanta la doortay- ee Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas iyo madaxweynihii hore C/raxmaan Maxamed Faroole.

1/14/2014 2:24 AM EST
Talaado, Janaayo 14, 2014 (HOL) — Maxkamadda sare ee gobolka Virginia ayaa diidday rafcaan uu xukun horay loogu diray ka dalbaday madaxweyne ku xigeenkii hore ee Soomaaliya, Jen. Maxamed Cali Samatar.

1/14/2014 1:56 AM EST
Talaado, Janaayo 14, 2014 (HOL) — Kulan ballaaran oo ay si wadajir ah u soo qaban-qaabiyeen guddiga dib u dhiska Maktabadda Qaranka - National Libraray, ee Heritage Institute iyo Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed loogana hadlayay dib u soo nooleynta maktaabaddii Qaranka ayaa shalay lagu qabtay xarunta rugta ganacsiga Soomaliyeed.

1/14/2014 1:22 AM EST
Talaado, Janaayo 14, 2014 (HOL) — Xildhibaannada Baarlamaanka Somalia ayaa lagu wadaa inay maanta cod u qaadaan mooshin lagu diiddan yahay in wasiirradii xukuumaddii hore ay ka mid noqdaan xukuumadda cusub ee la soo dhisayo.