4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 14, 2014
Rugta Ganacsiga oo taageertay dib u dhiska Maktabadda (SAWIRRO)


Talaado, Janaayo 14, 2014 (HOL) — Kulan ballaaran oo ay si wadajir ah u soo qaban-qaabiyeen guddiga dib u dhiska Maktabadda Qaranka - National Libraray, ee Heritage Institute iyo Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed loogana hadlayay dib u soo nooleynta maktaabaddii Qaranka ayaa shalay lagu qabtay xarunta rugta ganacsiga Soomaliyeed.

Kulankan ayaa waxaa ka qaybgalay ganacsatada waaweyn ee Soomaaliyeed iyadoo loosoo bandhigay sida ay u bur-bursan tahay maktabadda Qaranka iyo sida ay ugu baahan tahay in Soomaalidu ay dib u soo nooleeyaan, iyadoo intii uu kulanku socday la sharraxay in la hayo kumannaan buugaag oo loogu talo-galay dib u soo nooleynta maxkamadda; taasoo wax-tarka u leh dhaqanka wax akhrinta oo ku yar bulshada Soomaaliyeed iyo aayaha ubadka Soomaaliyeed ee la rabo inay la jaan-qaadaan caalamka horay u maray.

Waxaa aad loogu nuuxnuuxsaday guddina loo saaray in ganacsatadu ay ku bixiyaan dhaqaale dib u dhiska maktabadda, iyagoo muteysan doona inay ka dhex-muuqdaan dhismaha maktabadda sawirrada shirakdahooda ganacsiga.

Agaasimaha Rugta Ganacsiga, Cabdi Abshir Dhoorre ayaa ku tilmaamay dib u dhiska maktabadda Qaranka wax taariikhda gali doona, isgaoo xusay inay tahay arrin biloow ah oo markii ugu horreysay mashruucan oo kale ay dad Soomaailyeed u istaagaan wax ka qabashadiisa dhaqaalana ay u ururiyaan dad Soomaaliyeed.

“Dhamaan ummadda Soomaaliyeed waa in qof walba uu awooddiisa kaga qayb-qaataan  yabooha dib u dhiska maktabadda oo aan cid gaar ah lagu haleyn,  si looga jawaabo arrinka oranaya Soomaalida in wax loo dayactiro maahee iyagu waxba maqabsan karaan, kumana midoobi karaan wanaagga iyo wax-tarka uu ka sugayo waddankoodii ay ayagu burburiyeen,” ayuu yiri Cabdi Abshir.

Maktabadda Qaranka ayaa ka mid tahay goobihii ku burburay dagaalladii sokeeye ee dalka ka dhacay, iyadoo Dhoorre uu sheegay inay baaq guud u dirayaan dhammaan caalamka si looga qaybqaato dib u dhiska goobihii ku burburay dagaalladii dalka ka dhacay.


Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya