4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 14, 2014
Baarlamaanka oo u Codeynaya Mooshin ka dhan ah Wasiirradii Hore

/images/gallery/20131221635232095595579767IMG_8771.JPG
Talaado, Janaayo 14, 2014 (HOL) — Xildhibaannada Baarlamaanka Somalia ayaa lagu wadaa inay maanta cod u qaadaan mooshin lagu diiddan yahay in wasiirradii xukuumaddii hore ay ka mid noqdaan xukuumadda cusub ee la soo dhisayo.

Mudane Maxamed Cumar Dalxa oo ka mid ah xildhibaannada baarlamaanka ayaa sheegay in kulanka maanta uu ku saabsan yahay in cod loo qaado mooshinkii laga keenay wasiiraddii xukuumaddii hore.

“Qorshaha baarlamaanka ee maanta waa in codka kalsoonida loo qaado inay wasiirradii hore ka mid noqon karaan xukuumadda cusub iyo in kale, haddii uu guuleysto mooshinka waxay noqonaysaa inaan lagu soo darin, laakiinse haddii uu guul-darreysto waxay noqonaysaa in lagu soo daro,” ayuu yiri Dalxa.

Xildhibaannada baarlamaanka ayaa mooshinkan ka dooday maalin ka hor, iyadoo guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya uu u qabtay maanta oo Talaado ah in mooshinkan codka loo qaado.

Mooshinka ayaa lagu sheegay in wasiirradii xukuumaddii hore ay ka mid ahaayeen xukuumaddii waxqabad la’aanta loo riday, sidaa daraadeedna aysan ogolaan karin in dib loo soo celiyo.

Arrintan ayaa waxay keentay in madaxweynaha Soomaaliya iyo ra’iisul wasaaraha ay 24-kii saac ee ugu dambeeyay kulammo la yeelanayeen xildhibannadii mooshinka keenay si ay uga laabtaan go’aankooda, balse lama oga sida uu xaalku noqon doono.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaan weli ku dhawaaqin wasiirradii tan iyo markii kalsoonida la siiyay bishii hore, waxaana culeysyada jira ay ka lagu sheegay inay arrintan mooshinka ka mid tahay.

Dhanka kale, waxaa jiray xildhibaanno uga digay ra’iisul wasaaraha inuu soo magacaabo golihiisa wasiirrada inta go’aan cad laga gaarayo mooshinka yaalla baarlamaanka ee ka dhanka ah wasiirradii xukuumaddii Saacid.

Wixii codka kasoo baxa waxaad kula socon doontaa wararkeenna dambe haddii ALLE ogolaado.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya