4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 13, 2014
Cristiano Ronaldo oo loo Magaacabay laacibka Adduunka (SAWIRRO)


Isniin, Janaayo 13, 2014 (HOL) —Weeraryahanka kooxda Real Madrida iyo xulka dalka Portugal, Cristiano Ronaldo ayaa markii labaad ku guulaysatay billada laacibka ugu wanaagsan adduunka ,isaga oo la tartamayay xidigaha kala Messi oo Barcelona u ciyaara iyo xidigga kooxda Bayern Munich Frank Ribery.

Halyeeygii hore ee xulka Brazil Belle ayaa lagu soo dhaweeyay mikrifoonka si uu ugu yeero xiddiga sanadkan loo codeeyay ,waxaana mar qura uu ku dhawaaqay in Ronaldo uu yahay laacibka adduunkan ugu wanaagsan.

“Ma jirto wax aan ku tilmaami karo xaaladdan,aad ayan ugu faraxsanahay, waan u mahad-celinayaa dhamaan saaxiibadayda Real Madrid iyo waliba ehelakayga “ayuu yiri Ronaldo oo hadal aad u kooban ka jeediyay xafladda kadib markii billadda la guddoonsiiyay.

Waxaa kaloo uu Ronaldo sheegay in uu mahad-celinayo cid kasta oo isaga u codaysay ,isagoo  xusay in sharaf weyn ay u tahay in markii labaad uu ku guulaysto xiddiga adduunka ugu wanaagsan muddo lix sano gudaheed ah.

HALKAN KA DAAWO SAWIRRO BADAN:

Tababaraha ugu wanaagsan waxaa isna loo magacabay tababarihii hore ee kooxda Bayern Munich oo sanadkii tagay kooxdaas kula guulaystay koobka ugu qiimaha badan qaaradda Yurub ee Uefa Champions Legue, waxaana la tartamaya tababarayaasha kala ah Sir Alex Forgusan iyo tababaraha kooxda Dortomound Klop.

Sidoo kale Laacibka kooxda PSG iyo xulka Swedan Zlatan Ibrahimovic aya isna ku guulaystay abaalmarinta FIFA Puskas Award, waxaana uu dhaliyay goolkii ugu fiicnaa sanadkii tagay ee 2013.

Dhinaca kale waxaa xafladda gudaheeda looga dhawaaqay line-upka rasmiga ee kooxda sannadka adduunka, iyadoo ay ka soo dhex muuqdeen laacibiin  halis ah oo ka ciyaaro naadiyo kala duwan oo Yurub ah.

Waxaa ka mid ah seddex ciyaaryahan oo Bayern Munich ah, iyadoo Barcelona ay hogaamineyso oo ay ku leedahay afar ciyaaryahan, halka Real Madrid iyo PSG ay ku leeyihiin min labo ciyaaryahan.

Goolhaye: Neuer (Bayern Munich) Daafac: Dani Alves (Barcelona), Thiago Silva (PSG), Ramos (Real Madrid), Lahm (Bayern Munich) Khad dhexe: Iniesta (Barcelona) Xavi (Barcelona), Ribery (Bayern Munich) Weerar: Ronaldo (Real Madrid), Ibrahimovic (PSG), Messi (Barcelona)

Ugu danbayntii xafladdan oo sidii hore ka xiisa badnayd ayaa lagu bixiyay billado aad u tira badan oo ay ku jirto tan hablaha ,waxana ka soo qayb-galay madaxda FIFA qaybahooda kala duwan iyo marti sharaf kale oo aad u tira badanayd.

Faysal Mohamed Hassan
[email protected]