4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 13, 2014
Haween ka Qaybgalay Doorashadii Puntland oo Shir jaraa’id Qabtay


Isniin, Janaayo 13, 2014 (HOL) — Xarunta ururka horumarinta haweenka Soomaaliyeed ee (SWDC) waxaa maanta shir Jaraaid ku qabtay qaar ka mid ah haweenkii lagu marti-qaaday doorashadii Puntland ka dhacday sideedii bishan ee uu kusoo baxay ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, kuwaasoo maanta dib ugu laabtay Muqdisho.

Haweenka oo martiqaad ka helay ururka haweenka Talo-wadaag oo ka jira Puntland ayaa waxaa hoggaaminayey Xaliimo Ismaaciil (Xaliimo Yareey), waxayna sheegeen inay booqdeen magaalooyinka Gaalkacayo iyo Garoowe oo ay kaga qayb-galeen doorashadii Pundland.

Muna Xasan Cumar oo ahayd gabadhii afhayeenka u ahayd haweenkan oo ka hadashay shirka jaraa’id ayaa sheegtay inay la kulmeen waxgaradka, siyaasiyiin iyo haweenka ayna isla soo qaadeen sidii loo hormarin lahaa haweenka Soomaaliyeedm isla markaana qayb looga siin lahaa hoggaanka dalka.

Xubnihii kale ee halkaa ka hadley waxaa ka mid  ahaa Sahro Axmed oo ka mid ahayd tiro haween ah oo lagu casuumay si ay goob-joog uga noqdaan doorashada, iyadoo sheegtay in madaxdii ay la kulmeen isla meel dhigeen in la raadiyo xuquuqda haweenka meel kasta oo ay joogaan

Shirka jaraaid waxaa kaloo ka hadashay Xaliimo Yareey oo sheegtay inay la Kulmeen haweenka ururka Talo-wadaag, guddoomiyaha baarlamaanka Pundland, ergeyga gaarka ee Qaramada Midopobey, danjire Nicholas Key iyo madaxweynaha cusub ee Pundland, Cabdiweli Gaas oo ay dhaamaantood isla soo qaadeen xaaladda ay ku sugan yihiin haweenka, caruurta iyo sidoo kale dhallinyarada Soomaaliyeed, iyadoo xustay inay is-tuseen inay siyaasadda ku dulman yihiin; waxayna ka codsadeen sidii xubnahaas ay xuquuqdooda u heli lahaayeen.

Sidoo kale, Xaliimo Yareey waxay ka dalbatay madaxda sare ee dowladda federaalka Soomaaliya inay ka fogaadaan wax kasta oo keeni kara khilaaf , waxayna si gaar ah ula hadashay xildhibaannada baarlamaanka oo ay ka codsatay inay joojiyaan mooshinada soo lab-laabtay oo ay ku bedelaan wax horumarinaya dadka iyo dalka.

Haweenkan ayaa ammaanay qaabkii ay u dhacday doorashadii Puntland, iyagoo xusay inay ahayd mid u dhacday si cad oo hufan, waxayna u mahadceliyeen dhammaan madaxdii hore ee Puntland iyo kuwa kusoo baxay doorashadii madaxnimo ee ka dhacday Garoowe.





Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya