4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 13, 2014
Guddooomiyaha Wakiillada Puntland oo xilka la wareegay (SAWIRRO)


Isniin, Janaayo 13, 2014 (HOL) — Xarunta Baarlmaanka Puntland oo ku taalla magaalada Garoowe, waxaa maanta ka dhacday munaasabad ay kula kala wareegayeen xilalka guddoomiyaha cusub ee baarlmaanka Puntland, Siciid Xasan Shire iyo guddoomiyihii hore, C/rashiid Maxamed Xirsi.

Munaasabadda xil wareejinta waxaa ka qaybgalay madaxweynaha cusub ee Puntland, C/wali Maxamed Cali Gaas iyo ku-xigeenkiisa, waxaana goobjoog ka ahaa Isimmo iyo xildhibaannada baarlmaanka cusub ee Puntland.

Dahfurkii munaasabadda waxaa hadal ka jeediyey guddoomiyihii hore ee baarlmaanka Puntland, C/rashiid Maxamed Xirsi oo isagoo sheegay inuu aad ugu farxasan yahay in uu xilka ku wareejiyo guddoomiyaha cusub, isagoo ku wareejiyay guddoomiyaha cusub faylkii ay ku qoran tahay xil wareejinta, hay'adihii iyo shaqaalaha baarlmaanka ayuuna u mahad-celiyay.

“Waxaan aad iyo aad ugu mahad-celinayaa dhamaan xildhibaannadi iyo xubnihii baarlmaanka ee ila shaqeeyay, sidoo kale waxaan iyagana uga mahadcelinayaa halkan shaqaalihi golaha wakiilada, waana ku faraxsanahay inaan xilkaan ku wareejiyo maanta guddoomiyaha cusub soo-dhawoow ayaan leeyahay," ayuu yiri C/rashiid Xirsi.

Sidoo kale, guddoomiyaha cusub ee baalamaanka Puntland, Siciid Xasan Shire ayaa isna dhankiisa hadalka qaatay, isagoo ammaanay baarlamaankii hore ee Puntland oo uu ku sheegay inay soo qabteen shaqo wanagsan, waxuuna tilmaamay inay mari doonan jidkii haray ay baarlmaanka u jeexeen, wixii ay ka tageen oo u baahan in la dhameystiro ay dhameystiri doonaan, isagoo ka codsaday guddoomiyihii hore inuu howsha hortaalla kala shaqeeyo maadaama uu hawshan muddo kusoo jiray wax badanna la socdo.

"Sida wanaagsan ee uu xilka ugu wareejiyay guddoomiyaha cusub waan uga mahad-celinaya, waxaana dalbanayaa inaad nala shaqeysid, waxaana sidoo kale u mahad-celinaya baarlmaankii hore oo iyagu wax badan qabtay," ayuu yiri guddoomiyaha cusub ee baarlmaanka Puntland Siciid Xassan Shire.

Islaan Ciise Islaam Maxamed Islaan Muuse oo ku hadlay afka isimadii kasoo qaybgalay munaasabadda ayaa sheegay in dhankooda ay ku faxsan yihiin sida wanaagsan ee ay xilalka isugu wareejiyeen guddoomiyaasha ayna la shaqeyn doonan.

Ugu danbeyn, waxaa isna khudbad uu dhinacyo badan ku tabtay madasha ka jeediyey madaxweynaha cusub ee Puntalnd, C/wali Maxamed Cali Gaas, isagoo shaqo wanaagsan iyo hufan u rajeeyay baarlamaanka cusub isla markaana tilmaamay inay dhamaantood sugayso howl badan oo u baahan in la iska kaashado.

"Waxaan u mahad-celinayaa guddoonkii hore ee baarlmaanka Puntland sida aad idinkuba sheegteen shaqada ay qabteen oo lugu xasuusan doonno, waxaana rajeynayaa baarlmaanka cusub inuu la imaan doonno shaqo aad u waaagsan," ayuu yiri madaxweynaha.

Madaxweynaha Puntland C/weli Gaas, waxaa kaloo uu soo hadal qaaday in isaga iyo guddoonka cusub ee baarlmaanka ay dhex-mari doonto wada-shaqeyn wanagsan si looga miro-dhaliyo horumarka uu doonayo in Puntland ay gaarto, isagoona inta racshay in dowladdiisu ay golaha baarlamaanka u madax-baneyn doonto shaqadooda si ay u guraan waajibaadkooda. Isagoo ballan-qaaday inuu rajeynayo in xaquuqdooda ay heli doonaan si walba oo ay noqotaba.

Maalmaha soo socda ayuu madaxwayne cusub ee Puntland si rasmiya xilka ugala wareegi doonaa xilka madaxwaynihii hore ee Puntland, C/raxmaan Faroole.




Iimaan Maxamed, Hiiraan Online
[email protected]
Gaalkacyo, Soomaaliya