4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 13, 2014
Wasiirka Ammaanka Puntland oo sheegay inaanay jirin hub la dhacay


Isniin, Janaayo 13, 2014 (HOL) — Kaddib markii ay dhawaan soo baxeen warar sheegaya in hub lagala baxay madaxtooyada magaaloyinka Garoowe iyo Boosaaso ayaa arrintan waxaa waxba kama jiraan ku tilmaamay sii hayaha xilka wasiirka amniga Puntland, Khaliif Ciise Mudane.

Mas'uulkan oo warbaahinta la hadlay ayaa si kulul u sheegay in war been abuura ay tahay in hub lagala baxay labada Madaxtooyo ee Boosaaso iyo Garoowe.

Horay ayaa waxaa ciidamada Puntland loogu eedeeyay inay siyaabooyin kala duwan hub ugala baxeen madaxtooyooyinka Boosaaso iyo Garoowe, isla-markaana ay u iib geeyeen suuqyada magaalooyinkaas, balse xilligan waxaa la sheegay inaysan arrintan jirin.

Wasiirka amniga ee xukuumaddii uu hoggaaminayay C/rixmaan Faroole oo wali xilka sii haya ayaa hadalka uu warbaahiinta siinayy, wuxuu kusoo qaaday in ciidamada ammaanku ay yihiin kuwo had iyo jeerba u taagan sugida amniga, balse aysan ka suuro-bin inay la baxaan hubkii dowladda oo loogu talo-galay in lugu xaqiijiyo amniga.

"Ciidamada ammaanka ma ahan kuwo waxaas lugu sheegi karo, waayo kama suurowdo, waa kuwo u tagna sugidda amniga har iyo habeenna way taagan yihiin. Ciidamada qalabka sida ee Puntland waa kuwo heegan u ah haddii ay baahan yihiin iyo haddii kaleba inay sugaan amniga dalkooda, waana been eedeynta loo soo jeediyay," ayuu yiri Khaliif Ciise.

Sidoo kale, mas'uulkan wuxuu caddeeyay inay diyaar u yihiin la shaqeynta iyo talo-siinta madaxda cusub ee Puntland, wuxuuna ballan-qaaday inay si hagar la'aaneed ula shaqeyn doonaan madaxweynaha cusub ee Puntland; C/weli Maxamed Cali Gaas.

Hadalkan ayaa kusoo aadaya xilli madaxdaweynaha cusub ee Puntland C/wali Gaas, hadal uu jeediyay Jimcihii uu ka digay in la boobo hantida dowladda, wuxuuna si adag u sheegay in qof kasta lagula xisaabtami doono, wuxuu mas’uulka ka yahay.

Iimaan Maxamed,Hiiraan Online
[email protected]
Gaalkacyo, Soomaaliya