4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 9 , 2014
MADAXWEYNE XASAN: "Burundi Waa Walaalo Naftood noo Huray"


Axad, Febaraayo 09, 2014 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamud ayaa amaanay doorka dowladda Burundi ay kaga jirto howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM, isagoo sheegay inay yihiin walaalo dhab ah yihiin.

Xasan Sheekh ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wasiirka arrimaha dibadda ee Burundi, Laurent Kavakure oo ay ku wehliyeen safarka taliyaha ciidanka AMISOM, Jen. Silas Ntigurirwa, wasiirka arrimaha dibadda C/raxmaan Ducaale Beyle, wasiir-u-dowlaha arrimaha dibadda Soomaaliya, Burci Hamza iyo safiirka Soomaaliya u fadhiya Burundi, Abshir Xasan Abshir.

"Aad iyo aad baan u mahadcelinaynaa wallaaha Brundi oo dhiiggooda u huray si uu dalku amni u noqdo. Sannadkii 2007-dii illaa iyo hadda ayay ciidamada Burundi, kuwa kale ee AMISOM iyo ciidanka Soomaaliya ay si joogta ah ula dagaalamayeen kooxaha Al-shabaab oo ay noo sameynayeen fursadahan hadda jira ee aan dalka dib ugu dhisayno, mana hilmaami doono doorkii iyo abaalkii Burundi," ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha iyo wasiirka Burundi ayaa waxay ka wadahadleen arrimaha amniga, tiro kordhinta ciidamada AMISOM oo horay golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ay u ansixiyeen iyo sidii ciidanka Soomaalida loo taageeri lahaa.

"Sannadkan 2014-ka waa mid muhiimad gaar ah noo leh. Waxaan xoojinaynaa dagaalka Al-shabaab lagula jiro xasilinta dalka oo dhan. Burundi, AMISOM-ta kale iyo ciidanka Soomaalida ayaana kaalin mug leh ka qaadan doona dadaallada xasilinta dalka," ayuu hadalkiisa ku daray.

Dhanka kale, madaxweynaha ayaa kulan gaar ah la qaatay safiirka Serbia, Ivan Zivkovic iyagoo kawada hadlay xiriirka labada dal iyo sidii ay Serbia kaalin mug leh uga qaadan lahayd dib u dhiska dalka, horumarinta dhaqaalaha iyo maal-gashiga dalka. Madaxweynaha Serbia iyo Madaxweynaha Soomaaliya ayaa horey isagu arkay magaalooyinka New York iyo Addis Ababa ee dalalka Mareykanka iyo Itoobiya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya