4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 9 , 2014
DANJIRE ANAADIIF: "Ciidamada Kenya kama baxayaan Kismaayo"

/images/2013/May/Ergayga_Midowga_Afrika_ee_Somalia.jpg
Axad, Febaraayo 09, 2014 (HOL) — Ergayga Midowga Afrika ee arrimaha Soomaaliya, Danjire Maxamed Saalax Anaadiif ayaa sheegay in ciidammo isku dhaf ah la geynayo magaalada Kismaayo ee xarunta Jubbada Hoose, isagoo ka dhawaajiyay in xusay inaysan ciidamada Kenya ee qaybta ka ah AMISOM aysan ka baxayn magaalada Kismaayo.

Danjire Anaadiif oo shir jaraa'id ku qabtay maanta xarunta AMISOM ee Xalane ayaa shaaciyay in ciidamada Kenya ay sii wadayaan howlgalka ay u joogaan Kismaayo, inta laga xaqiijinayo ammaanka Soomaaliya, isla markaana lagu kordhinayo ciidammadii Kismaayo horay ugu sugnaa.

"Waxaan idiin xaqiijinayaa in ciidamada Kenya aysan ka bixi doonin Kismaayo, waxaan u direynaa qeybta Kismaayo ciidamo isku dhaf ah oo ka socda dalalka Burundi, Sierra Leone iyo kuwo booliis ah oo ka socda dalka Nigeria," ayuu yiri Danjire Anaadiif ku yiri shirkiisa jaraa'id.

Sidoo kale, ergaygu wuxuu intaa ku daray in ciidamada isku dhafka ah ee la geynayo Kismaayo ay hoos tagi doonaan ciidamada Sierra Leone oo qabanaya hoggaanka taliska qeybta afaraad ee howlgalka AMISOM, isagoo intaas ku daray in ciidamada Kenya laga bedelayo oo keliya hoggaaminta howlgalka qabta afaraad oo keliya.

Afhayeenka AMISOM, Col. Cali Aadan Xumad oo dhawaan la hadlay Idaacada BBC-da ayaa sheegay in ciidamada Kenya laga bedelayo hoggaanka qaybta Kismaayo, isla markaana qayb ka mid ah ciidamadooda ay sii joogi doonaan Kismaayo.

Taliska AMISOM ayaa dhawaan isbedel ku sameeyay hoggaanka guud ee ciidamada AMISOM, iyadoo taliska guud loo dhiibay sarkaal u dhashay dalka Burundi oo ah dalkii labaad oo ciidamada AMISOM ku deeqay.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya