4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 9 , 2014
KENYA: ciidamada ammaanka oo qabtay saddex qof oo laga shekiyey

Axad, Febaraayo 09, 2014 (HOL) —Ciidamada dalka Kenya ayaa gelinkii dambe ee shalay oo Sabti ahayd ku qabtay meel u dhow magaalada Mandheera, saddex nin oo looga shekisanyahay inay ka tirsan yihiin Ururka Al-shabaab.

Saddexdan nin oo sida la sheegay kasoo tallaabay dhinaca Soomaaliya, waxaa lagu qabtay deegaanka Koromei iyagoo markii la qabanayey watey saddex qoryaha fudud ah iyo rasaas badan.

Taliyaha booliska Mandheera Nuux Mwivanda, ayaa sheegay in raggan weli ay boolisku baaritaan ku wadaan, isagoo intaas raaciyey in saddexda nin ay qorsheynayeen weerarro argagixiso oo ay gudaha dalka Kenya ka fuliyaan.

Nimankan oo watey gaari noociisu yahay 
Toyota Land Cruiser, haseyeeshee aan wax taariko ah lahayn, waxaa gacanta ku dhigay qaar kamid ah ciidamada Kenya ee xilliga habeenka ah roondada sameeya.

"Waxaa jira sababo badan oo aan ku rumeysan karno in raggan mileeshiyada ahi ay qorshe xun lahaayeen...aad bay u hubeysnaayeen wayna awoodeen inay magaaladeenna weerarro ka geystaan, laakiin -Ilaah mahadiis- ciidamadeena ma daaleyaasha ah ayaa qabtay kahor intaysan falalkooda xun xun geysan..." Nuux Mwivanda ayaa sidaa yiri.

Ammaanka magaalada Mandheera ayaa toddobaadyadii u dambeeyey ahaa mid aad u wanaagsan, haseyeeshee waxaa sanadkii hore ee 2013 ka dhacay weerarro badan oo qaarkood ay mas'uuliyaddooda sheegteen Ururka Al-shabaab.

Gudaha dalka Kenya waxaa ka dhacayey weerarro joogto ah iyo qaraxyo, wixii ka dambeeyey bishii Oktobar sanadkii 2011, markaas oo cutubyo ka tirsan militeriga Kenya ay Soomaaliya gudaha usoo galeen.

Weerarkii ugu weynaa uguna khasaarha badnaa ee ilaa iyo xilligaas Kenya ka dhaca ayaa ahaa kii lagu qaaday xaruntii ganacsiga ee Westgate Mall, weerarkaas oo qaatay muddo afar maalmood ah waxaa ku dhintay in ka badan 70 qof oo dad rayid ah u badnaa.

Xigasho: Xinhua

Maxamad Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya