4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 8 , 2014
Baroordiiq dalka Holland loogu sameeyay Marxuum C/risaaq Xaaji Xuseen (SAWIRRO)


Sabti, Febaraayo 08, 2014 (HOL) —Kulan loogu Baroordiiqaayay Allaha u naxriistee Ra'iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Marxuum C/risaaq Xaaji Xuseen ayaa  lagu qabtay Magaalada Den-Haag ee wadanka Netherlands, iyadoo kulankaan ay soo qaban qaabiyeen Xisbiga Hiil-Qaran oo uu Marxuumka kasoo noqday Guddoomiyihii ugu horreeyay ee Xisbigaasi markii ugu danbeeyayna ahaa Guddoomiye Sharafeedka Xisbiga Hiil-Qaran.

Kulankaan oo ahaa Duco iyo Xasuusta Taariikhdii Marxuum C/risaaq Xaaji Xuseen, ayaa waxaa kasoo qeyb galay, Siyaasiyiin, Aqoonyahano, Hor-muud-yada Ururada Bulshada ee ka dhisan dalka Holland iyo Qeybaha kala gedisan ee bulshada ku nool wadanka Netherlands.

Ugu horeyn waxaa kulanka ka hadlay Guddoomiyaha Guud ee Xisbiga Hiil-Qaran, Dr. Ibraahim Xaaji Mursal, oo ku dheeraaday ka hadlida wax-qabadkii iyo Taariikhda dheer ee Allaha u naxriistee Ra'iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Marxuum C/risaaq Xaaji Xuseen, Isagoona sheegay in C/risaaq uu ka mid ahaa Aas-aasayaashii Xisbiga Hiil-Qaran, waxa uuna tacsi u diray Qoyskii uu ka tagay Marxuumka iyo dhamaan shacabka Soomaaliyeed, isagoona eebe ugu baryay in uu jannadii Fardowso ka waraabiyo.

Wasiirkii hore ee Macdinta iyo Biyaha Dowladii KMG, Eng. Axmed Maxamuud Handulle oo ka mid ahaa Siyaasiyiintii ka hadlay Munaasabada Baroordiiqa ayaa sheegay in Allaha u naxriistee C/risaaq Xaaji Xuseen uu ahaa Ra'iisul Wasaare Soomaaliyeed oo taariikh wax-qabad wanaagsan leh ku reebay shacabka Soomaaliyeed, isla markaana ku sifoobay hal-qabsigiisa caan baxay ee (Karti iyo Hufnaan).

Guddoomiyaha Dallada Jaaliyada Soomaaliyeed ee FSAN, Dr. Cali Cabdi Waare isla markaana ka tirsan Xisbiga Hiil-Qaran oo isna kulanka ka hadlay ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid Allaha u naxriistee Marxuum C/risaaq Xaaji Xuseen, waxa uuna ku sifeeyay Marxuum C/risaaq Xaaji Xuseen in uu ahaa Siyaasi Soomaaliyeed oo ku dayasho mudan.

HALKAN KA DAAWO SAWIRRO KALE

C/raxmaan Maxamed Cumar oo ka tirsan Xisbiga TAYO oo kulanka Baror-diiqa ka hadlay, ayaa sheegay in ay ummada Soomaaliyeed ugu Tacsiyeenayaan geerida ku timid Allaha u naxriistee Ra'iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Marxuum C/risaaq Xaaji Xuseen, waxa uuna ehelkii uu ka geeriyooday Marxuumka ugu baryay in uu samir iyo iimaan eebe ka siiyo.

C/maalik Yuusuf oo ka tirsan Maamulka Hey'adda Dalmar ayaa halkaasi kusoo bandhigay Dukumenti ka hadlayay Taariikhda Allaha u naxriistee Marxuum C/risaaq Xaaji Xuseen, iyadoona sidoo kale ay halkaasi ka hadleen Prof. Cumar Shire, Drs. Zahra Naaleeye, Garyaqaanad Shamso Saciid, Maxamed Mustaf oo horey ugu tirsanaa Saraakiisha Ciidanka Soomaaliya iyo Odey Isboorti Macalin Axmed Maxamed Laas oo dhamaantood ka tacsiyeeyay geerida Allaha u Naxriistee Marxuum C/risaaq Xaaji Xuseen.

Kulanka Baroordiiqa ayaa intii uu socday waxaa dhinaca Khadka Isgaarsiinta ugu qeyb qaatay Danjiraha Dowlada Federalka Soomaaliya u fadhiya Xarunta Midowga Yurub iyo dalka Beljium, Dr. Cali Saciid Faqi oo ku sugnaa Magaalada Bruselss iyo Xoghayaha Guud ee Xisbiga Hiil-Qaran Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar oo ku sugnaa Magaalada Muqdisho isla markaana ka mid ahaa Saaxiibada sida aadka ugu dhawaa Marxuumka, meydkiisana geeyay Magaalada Muqdisho, iyagoona si isku mid ah ugu wada tacsiyeeyay Geerida Allaha u naxriistee Marxuum C/risaaq Xaaji Xuseen.

Allaha u naxriistee Marxuum C/risaaq Xaaji Xuseen  ayaa xilka Ra'iisul-wasaarenimo ee Soomaaliya soo qabtay intii u dhaxeysay 1964-1967. waxa uuna (Jimco, 31-january-201) ku geeriyooday Magaalada Minneapolis ee dalka Maraykanka, Iyadoona (Jimco, 07-February-2014) Aasay Qaran loogu sameeyay deegaanka Ceel-Carfiid ee duleedka Magaalada Muqdisho.

Saalax Dheere
[email protected]
Den-Hag, Netherlands