4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 8 , 2014
Qunsulka Soomaaliya u fadhiya Australia iyo Newzealand oo tacsi u diray Shacabka Soomaaliyeed


Sabti, Febaraayo 08, 2014 (HOL) —Qunsulka guud ee Somalia u fadhiya dalalka Australia & Newzealand Yonis Yassin Hashi ayaa tacsi qaran u diray shacabka somaliyeed meel kasta ay joogaan gaar ahaan soomalida kunool Australia iyo Newzealand.

Alle hau naxariistee Cabdirisaq Xaaji Xuseen oo ahaa halyeey soo maray dalka somaliya isla markaana ka qeybqaatay xoriyadii dalka oo  31kii Janaayo sanadkan 2014 ku geeriyooday dalka mareykanka ayaa maalintii jimcaha aheyd 7da February lagu aasay  duleedka magaalada muqdisho isagoo weliba lagu ag aasay madaxweynihii koowaad ee umadda somaliyeed Aadan Cabdulle Cismaan oo isna geeriyooday sanadii 2007 .

Mr. Yoonis Haashi ayaa sidoo kale HOL u sheegay in qunsuliyadu ay soo booqdeen diblomaasiyiin saaxiibo la’ah Somalia iyagoo saxiixay buuga tacsida ee la dhigay qunsuliyada guud , "waxaan aad ugu mahadcelinayaan wadamada aynu saaxiibada nahay ee noo soo tacsiyeeyey " ayuu hadalkiisa ku daray  Yonis.

Qunsuliyadda Guud ee  Somaliya ay ku leedahay dalka Australia ayaa fadhigeeda uu yahay Magaalada Melbourne ee xarunta Gobolka Victoria waana halka ay tirade ugu badan ee somalidu ay kaga noolyihiin qaaradan Australia.

Dhanka kale Dalka Australia waxa uu kamid yahay dalalka Deeqaha waxbarasho siinjiray Somalia gaar ahaan tacliinta laxiriirta dhanka beeraha oo mutacalamiin badan  oo Somali ah  halkan jamacada uga baxeen iyagoo qaarkood dalka Somalia iminka ka shaqeeya, waxa sidoo kale jaaliyadda somalida Australia ay ka mid yihiin madaxda dowlada dhexe iyo dowlad goboleedyada  ka jira dalka

 Somalida kunool dalkan Australia ayaa lagu qiyaasaa iney kor u dhaafayaan 30,000 waxaana xusid mudan in madaxdii dalka soo maray xilligii burburka uusan midna soo booqan qaaradan Australia oo larumeysanyahay iney Somali badan ay ku nooshahay hase ahaatee waxa uu qunsulka ii sheegay inuu rajeynayo dowlada federaalka Somalia madaxdeeda ugu sarreyso iney soo booqan doonaan dalka Australia hadii alle idmo.





Ibrahim Omar Baafo, Hiiraan Online
Melbourne Australia
[email protected]