4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 8 , 2014
U gurmo Goolhayihii hore Xulka Qaranka Soomaaliya 'Shabeel' oo Muqdisho ugu Xanuunsanaya (SAWIRRO)


Sabti, Febaraayo 08, 2014 (HOL) —Maxamed Nuur Maxed (Shabeel) oo ka mid ahaa goolhayaaashii ugu fiicnaa ee soo maray Xulka Qaranka Soomaaliya iyo Kooxdii Batroolka ayaa hadda nolol aad u liidata waxay ku haystaa Magaalada Muqdisho.

Goolhaye Shabeel oo ay heestaan dhibaaatooyin is-biirsaday ayaa wuxuu dhib ka qabaa aragga, waxaana lagu guuldarasytay in qalliin lagu sameeyo sababa la xiriirta madaxa oo ay biyo uga jiraan jug horay u soo gaartay awgeed. Iyadoo xaalkiisa sidaas yahay ayaa waxaa degmada Xamarweyne jug ku siiyay Baabuur, wuxuuna ka jabay gacan, feerahana dhib ayaa ka soo gaaray.

Goolhaye Shabeel ayaa ku jira Isbitaalka Madiina Shantii maalmood ee la soo dhaafay isagoo wali aan la kabin barar ka jira gacanta awgiis. Shabeel oo aan maanta ugu tagnay innagoo ka kooban koox saxafiyiin ah ayaa waxaa muuqatay in Shabeel uu qabo dhibaato caafimaad oo gurmad deg deg ah u baahan.

Goolhaye Shabeel waxaa si joogta xaaladdiisa ula socda Maxamuud Ibraahin Absuge (Adkeysi) oo ay Ciyaaryahan Shabeel ka wada tirsanaayeen Naadigii Batroolka iyo walaashiis Raxmo Nuur Max'ed, waxayna labaduba baaq u direen dhammaan umadda soomaaliyeed in ay gacan ka gaystaan caafimaadkiisa maadaama uu ahaa goolhaye heer qaran ah.

U gurmo Goolhaye Shabeel oo lagala xiriiri karo:  Tel: 00252618295194/ ama 00252615574251




Xuseen Maxamed Hadafow
[email protected]