4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 8 , 2014
Ciidammo laga eryay Milateriga Somalia oo Dibadbax ka dhigay Muqdisho

Sabti, Febaraayo 08, 2014 (HOL) — Boqolaal askari oo dhawaan la sheegay inay ruqseeyeen taliska ciidamada xoogga dalka ayaa maanta dibadbax ka dhigay Muqdisho, iyadoo ka cabanayay tallaabadii looga eryay shaqooyinkii ciidanka.

Ciidamada dibadbaxa dhigayay isugu jiray saraakiil, dabley iyo alifley ayaa waxay dibad-baxooda ka dhigeen Sayidka iyagoo ugu dambeyn hor-fariistay ilinka hore ee laga galo madaxtooyada Soomaaliya.

Askartan oo qaarkood xirnaa darajada ciidamada ayaa waxay ku eedeeyeen taliyaha ciidanka xoogga dalka Jen. Daahir Khaliif Cilmi (Indhow-qarshe) inuu ku xad-gudbay, isla markaana uu been ka sheegay, iyagoo gudanayay waajibaadkooda shaqo.

"Taliyaha waa beentiis, annagoo difaaca ku jirna ayaa naloo yeeray, kadib waa nala eryay, taasna xaq ma ahan, shalay dalka difaaceynay maantana Al-shabaab ayaa halis u nahay," ayuu yiri mid ka mid ah saraakiishii ka hadlay dibadbaxa.

Askarta qaar oo ku jiray haween ayaa ku eedeeyay taliyaha ciidamada inuu dayacay noloshooda, isla markaana ay halis u yihiin in Al-Shabaab ay ugaarsadaan sida ay tiri haween ka mid ahaa askartii dibadbaxa dhigayay.

Dhinaca kale, naafada ciidamadii hore ee xoogga dalka ayaa iyana dibadbax ka hor dhigay afaafka hore ee madaxtooyada, waxayna aad uga cabanayeen in raashinkii iyo mushaarkii ay ka heli jireen dowladda Soomaaliya laga jaray.

Dhowaan ayay ahayd markii taliyaha ciidamada xooga dalka, Jen. Daahir Indho-Qarshe uu ku dhawaaqay in shaqada laga ruqseeyay ay gaarayaan 700 oo ka tirsanaa ciidaka xooga dalka, kuwaasoo uu sheegay inay waajibaadkooda gudan waayeen, qaarkood ay meelo kale ka shaqeynayeen.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya