4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 8 , 2014
Guddoomiyaha Wakiillada Somaliland oo ka digay faragalin lagu hayo

Sabti, Febaraayo 08, 2014 (HOL) — Gudoomiyaha golaha Wakiiladda Somaliland ahna gudoomiyaha xisbiga WADANI Md:Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa xukuumadda uga digay inay faraha la gasho hawlaha golaha wakiiladda,isla markaana ku eekaadaan shaqooyinkiii loo igmaday.

Gudoomiyaha ayaa sidaas ka sheegay mar uu maanta dib ugu soo laabtay dalka ka dib safar kooban oo uu ku tagay dalka Ethiopia.

gudoomiyaha oo qolka nasashada ee madaarka Hargeysa kula hadlayey warbaahinta ayaa dhawr fariimood u kala diray shacabka, xukuumadda iyo golaha wakiiladaba.

"waxaan jeclahay laba ama saddex fariimood in aan shacbiga reer Somaliland gaadhsiiyo fariinta kowaad, waxaa weeye Golaha Wakiiladu intii ay jirtay xukuumadda Axmed Siilaanyo marna dagaal lamuu galin haddana dagaal kulama jiro fariinta labaad, waxaa soo if baxay oo si qaawan u muuqday in xukuumaddu ay arrimaha u gaarka ah Golaha Wakiilada Somaliland gacanta kula jirto fariinta sadexaad, waxaan kula talinaya xukuumadda in ay faraha kala baxdo arrimaha u gaarka ah golaha wakiilada oo ay ku mashquusho arrimaha qaranku u igmaday .fariinta afraad, waxaan salaamayaa mudaneyaasha golaha wakiilada meelkastoo ay joogaan rag iyo dumarba waxaanan ku kalsoonahay mudaneyaashu in ay sharaftooda iyo sharafta qaranka ilaalin doonaan" ayuu yidhi Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland ahna Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro).

Gudoomiyaha ayaa sheegay inay xukuumaddu waddo hawlo ka dhan ah golaha wakiilada, isla markaana ku khalkhalinayso shaqadii golaha wakiiladda.

Si kastaba ha ahaatee, waxa baryahan dambe soo ifbaxayey kala fogaanshaha xukuumada iyo golaha wakiiladda, waxaana toddobaadkii hore golaha wakiiladda meel mariyeen xeer kala saraysiinaya shirgudoonka oo awoodda u badan siinaya gudoomiyaha golaha, waxaana taas ka cadhooday oo ilaa hadda soo fadhiisan goobtii loogu talogalay labadda gudoomiye ku xigeen oo xeerkaasi sharci daro ku tilmaamay, haseyeeshee xukuumadda laftooda oo arrintasi raali ka noqon, ayaa wadda mooshinno ka dhan ah xeer hoosaadkaasi goluhu ansixiyey, iyadoo raadinaysa xildhibaanno ku taageera arrintaasi.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland