3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 8 , 2014
Askari lagu dilay Kismaayo iyo ciidamada oo wada Howlgallo
Sabti, February 08, 2014(HOL) :- Kooxo baastoolado ku hubeeysan oo aan heybtooda la aqoon ayaa xalay gudaha magaalada Kismaayo ku toogtay askari ka tirsan ciidamada ammaanka maamulka Jubba.

Dilkan ayaa ka dhacay xaafadda Faanoole, waxaana kooxihii dilka geystay ay durbaba isaga baxsadeen goobta kahor intii aysan halkaasi gaarin ciidamada ammaanka.

Dilka kadib ayaa waxa goobta gaaray ciidamo ka tirsan maamulka Jubba kuwaasoo howlgallo ka sameeyay xaafadaha ku dhow dhow halka uu shilku ka dhacay.

Ciidamada ayaa maanta gudaha magaalada Kismaayo ka wada howlgallo ballaaran oo lagu xaqiijinayo ammaanka, iyadoona ay jiraan dad badan oo loo qabqabtay tuhun, waxaana lagu arkayaa wadooyinka iyo xaafadaha magaalada askar baareeysa dadka iyo gaadiidka.

Ilaa imika ma jiraan masuuliyiin ka tirsan maamulka Jubba oo ka hadlay arintaasi mana jirto cid sheegatay masuuliyadda dilkaasi.


Max'ed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho-Soomaaliya.












Click here
2/8/2014 8:28 PM EST
Sabti, Febaraayo 08, 2014 (HOL) —Kulan loogu Baroordiiqaayay Allaha u naxriistee Ra'iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Marxuum C/risaaq Xaaji Xuseen ayaa lagu qabtay Magaalada Den-Haag ee wadanka Netherlands, iyadoo kulankaan ay soo qaban qaabiyeen Xisbiga Hiil-Qaran oo uu Marxuumka kasoo noqday Guddoomiyihii ugu horreeyay ee Xisbigaasi markii ugu danbeeyayna ahaa Guddoomiye Sharafeedka Xisbiga Hiil-Qaran.

2/8/2014 11:51 AM EST
Sabti, Feberaayo, 08, 2014 (HOL) - Waxaa maalintii saddexaad hawada ka maqan adeeggii Internet Mobile-ka iyo 3G oo labaduba ay bixin jirtay shirkadda Isgaarsiinta Hormuud, kadib markii ay sidaa amar ku bixiyeen xoogagga Al-shabaab oo wali gacanta ku haya deegaanno ka tirsan koonfurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya.

2/8/2014 10:30 AM EST
Sabti, Febaraayo 08, 2014 (HOL) —Qunsulka guud ee Somalia u fadhiya dalalka Australia & Newzealand Yonis Yassin Hashi ayaa tacsi qaran u diray shacabka somaliyeed meel kasta ay joogaan gaar ahaan soomalida kunool Australia iyo Newzealand.

2/8/2014 9:46 AM EST
Sabti, Febaraayo 08, 2014 (HOL) —Maxamed Nuur Maxed (Shabeel) oo ka mid ahaa goolhayaaashii ugu fiicnaa ee soo maray Xulka Qaranka Soomaaliya iyo Kooxdii Batroolka ayaa hadda nolol aad u liidata waxay ku haystaa Magaalada Muqdisho.

2/8/2014 7:40 AM EST
Sabti, Febaraayo 08, 2014 (HOL) — Ururka suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, ayaa cambaareeyey dhaawac budad u badan oo loo geystay wariye Cabdilaahi Xuseen Darwiish oo ka hawlgallka magaaladda Ceerigaabo e gobolka Sanaag oo la sheegay inay jidh dil ku sameeyeen koox aan la garanayn oo xafiiskiisa hortiisa ku soo weerartay.

2/8/2014 7:39 AM EST
Sabti, Febaraayo 08, 2014 (HOL) — Madaxweynaha Somaliland Md:Axmed Maxamuud Siilaanyo oo maanta dalka dib ugu soo laabtay ayaa ka warbixiyey safar shaqo oo uu dibadda kaga maqnaa.

2/8/2014 7:37 AM EST
Sabti, Febaraayo 08, 2014 (HOL) — Boqolaal askari oo dhawaan la sheegay inay ruqseeyeen taliska ciidamada xoogga dalka ayaa maanta dibadbax ka dhigay Muqdisho, iyadoo ka cabanayay tallaabadii looga eryay shaqooyinkii ciidanka.

2/8/2014 7:27 AM EST
Sabti, Febaraayo 08, 2014 (HOL) — Gudoomiyaha golaha Wakiiladda Somaliland ahna gudoomiyaha xisbiga WADANI Md:Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa xukuumadda uga digay inay faraha la gasho hawlaha golaha wakiiladda,isla markaana ku eekaadaan shaqooyinkiii loo igmaday.

2/8/2014 7:23 AM EST
Sabti, Febaraayo 08, 2014 (HOL) — Iska-horimaad xooggan ayaa ciidamada dowladda Soomaaliya, kuwa AMISOM iyo Al-Shabaab ayaa xalay ku dhexmaray xaafadda SOS ee degmada Huriwaa, iyadoo dagaalku uu dhacay kaddib markii xoogagga Al-shabaab ay weerareen saldhigyo ay ku sugnaayeen ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM.

2/8/2014 2:33 AM EST
Sabti, Febaraayo 08, 2014 (HOL) — Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in Kenya aysan marna oggolaan doonin in masjidyada iyo goobaha kale ee cibaadada loo adeegsado in dhallinyarada lagu marin habaabiyo.

2/8/2014 1:25 AM EST
Sabti, Febaraayo 08, 2014 (HOL) — Dowladda Maraykanka ayaa digniin usoo jeedisey muwaadiniinteeda ku sugan dalka Soomaaliya iyo weliba kuwa xilligan doonaya inay usoo safraan.