4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 8 , 2014
KENYATTA: " yeeli mayno in goobaha cibaadada wax lagu marin habaabiyo"
President Uhuru Kenyatta. The business empire that is associated with Kenya’s founding president Mzee Jomo Kenyatta has in recent months made fresh bets in the hospitality, dairy, media and banking sectors – and in foreign markets where it is seeking to buy existing players or launch green-shoe operations. Photo/FILE
Sabti, Febaraayo 08, 2014 (HOL) — Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in Kenya aysan marna oggolaan doonin in masjidyada iyo goobaha kale ee cibaadada loo adeegsado in dhallinyarada lagu marin habaabiyo.

"Si kasta oo ay ahaataba, ma oggolaan doonno in goobaha cibaadada loo adeegsado in wax lagu marin habaabiyo, ha ahaado misjid ay Muslimiintu leeyihiin, macbad Hinduusi ah ama kaniisadaha masiixiga.." Uhurru Kenyata ayaa sidaas yiri.

Madaxweynaha Kenya si cad ugama hadlin rabshadihii toddobaad kahor ka dhacay Masjidka Musa ee magaalada Mombasa, wuxuuse soo hadal qaaday welwelka ay Kenya ka qabto kororka xag-jirnimda iyo weerarrada argagixisada, wixii ka dambeeyey bishii September ee sannadkii hore, markaas oo la wareeray xaruntii laga dukaameysan jirey ee Westgate Mall.

Dhanka kale, sirdoonka dalka Kenya (NSIS) ayaa soo jeediyey in la xiro Masjidka Musa oo sida ay tilmaameen xarun u ah kooxo xiriir dhow la leh Ururka Al-shabaab, islamarkaana lagu tababaro dadka weerarrada ka geysta gudaha Kenya.

Hoggaamiyeyaasha Muslimiinta qaarkod oo arrintan ka hadlay, ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay warbixinta kasoo baxday waaxda sirdoonka Kenya, maadaama ay abuuri karto kala fogaansho iyo in xaaladdu ay sii murugdo.

Hadalka madaxweynaha Kenya ayaa soo baxaya maalmo kaddib markii ay ciidamada ammaanka ee Kenya ay si xoog ah ku galeen Masjikda Muusa, oo ku yaalla magaalada Mombasa, halkaas oo sida ay saraakiisha ammaanku sheegeen tababbaro dhinaca xag-jirnimada ah lagu siinayey dhallinyaro badan.

Maxamad Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya